Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: m.mo141 on April 20, 2016, 05:33:38 PM

Title: SU'AAL: ULTROSOUND XINIINYAHA?
Post by: m.mo141 on April 20, 2016, 05:33:38 PM
Asc somdoc waxaan raba suaal muhiim ii ah walahi taladiiinana waa i muhiim

Waxaan aaday Hospital waxaa la i saaray Compter altrasound o xiniyaha ah ama xiniinta waxaa warqada lagu so qoraY

LEFT SCROTUM LARGE VARICOCELE

RIGHT SCROTUM MILD VARICOCELE

BOTH SCROTUMS ARE NORMAL IN SIZE

CONCLUSION :
_________________

-LEFT SCROTUM LARGE VARICOCELE
-RIGHT SCROTUM MILD VARICOCELE

Iyo sawirka compterka e xiniyaha waxay i dhahen waxa u baahan tahay qaliil. Qaliin la aantiisa naag mala uureyn karo miya spermcountgeyga mabadanaayo miya  6.9 million waaye o naag ma uureyn kari miya


Murug aya i hayse


Jawaab wacan
Title: Re: SU'AAL: ULTROSOUND XINIINYAHA?
Post by: SomaliDoc on May 06, 2016, 09:20:20 PM
Varicocele waa bararka xididada xaniinyaha gal, waxaana kaga hadalnay qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3852.0)
In aad wax uureyn karto iyo in kale laguma sheegi karo Ultrasound kaliya.
Laakiin xididada bararan maadaama ay dhiig ka buuxaan, dhiiguna uu kulul yahay waxaa dahcda in kuleelkaas uu dhaawac gaarsiiyo unugyada shahwada laakiin waa in xanuunka uu kugu fogaaday, adigane aad dareemayso astaamo xanuun.

Marka haddii aad dhalinyaro tahay, xanuunkane la hubiyay, weliba la leeyahay aad ayuu u weyn yahay kan dhinaca bidix, in la iska qalo way fiican tahay si looga fogaado shakkiga ah in unugyadaas dhaawac kaa gaaro sidaasne wax ku uureyn kari waysay.

Waa muhiim in qalliinkaas uu kugu sameeyo dhakhtar "Urologist" ah maadaama isaga uu takhassuska qalliinkaas uu leeyahay.