Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maimunakhalif on April 21, 2016, 12:28:21 AM
-
asc all doctors waad salamantihiin .wxaan weydiin raba biraha ilaka lagu xirto si ey kugu simnaadan ilkaha wax dhib eh ma u keenaan .waxey ii xiranyihii 2 weeks waxaan rabaa in aan iska furo because kuma qurxani marka hadaan furo before time ilkaha ma wax dhibĂ ato iiga dhacayso.
-
Maya wax dhib ah kuuma keenayaan, haddii aad iska furtid sababtii aad u xiratay ayaa meesha ka baxayso.
Haddii aad ilko lakab lahayd oo aad rabtay inay ilkahaaga kuu sinmaan oo aad qurxoonaatid, waa in aad u sabartaa birahaan oo muddo dheer kugu xirnaan doono, oo aad dadka waxa ay kaa sheegayaan ka indho daboolatid.
-
Asc Dr. waxaan rabaa inaan xidho biraha ilkaha, waxaan ka waraystay wiil qaba oo ilkihiisa ay iskor saarnaayeen/lakab wuxuu qabaa sanad iyo badh ilkihi way u simeen lkn wuxuu sheegtay inuusan foolasha wax adag ku goosan karin, marka doctor ma isleedahay marka laga furo biraha ilkaha adeegoodi hore wuu usoo noqonayaa, maxayse khatar caafimaad leedahay birtaas thans.
-
Way soo noqon doonaan, laakiin iska hubi in qofka kuu xerayo uu yahay qof aqoon u leh, gacantiisane la amaanay.
Dhibaatooyin ma keenaan haddii safiican loo xiro, ciridkane dhaawac laga ilaaliyo, ilkahane joogto loo sifeeyo cunnada ka dib.