Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on April 26, 2016, 01:31:54 PM
-
Aad ayaa umahadsan tahay
Waxaa badanaa online Ka Ka aqristaa in bodybuilders Ka ee cunaan maalin kii 4-6 mar .Oo hadana cunaan cuno ubadan, dooro ,malaay, ukun,whey proteins ,iyo digirta beebeeshee looyaqaan
Intaas waxaa ula jiro supplements wax yaabo la yiraahdo
Kadibna ee gym Ka aadaan Oo qaadaan misaan aad ubadan taasna ee u sababto in muruqu weeynaado baruurtana ee gubato
Arin kaas ma arin Macquul ah baa?
Mida xigta canjeerada iyo rootiga layiraahdo abuukeey ee subaxii hore gaari gacan yada lagu wado ma isku midbaa?
Mida xigto hadii aan joogto u cuno
Malay,dooro,ukun qeeybta cad,digirta gasaca deeysan ,all qudaarta any kind of qudaar, iyo biyo cad .
Oo Ka fogaado hilib xoolaad iyo wax walbo Oo dufan leh iyo wixii sokor leh ilaa mudo 2 years ah oo aan 5 days a week aan gym aado ee aan bir culus qaado sifiican uhurdo ugu yaraan 8 saacadood .intaas aan wado 2 sano
Maxoo noqon karaa isbedel Ka muuqaal Ka jirkeeyga ? Caafimaad ahaan sidee lagu qiyaasi karaa?
Waxaa awoodaa in aan sameeyo sidaan
Waxaa rabaa in body fat keeyga too much low Ka dhigo .jirkana dhiso..
Dr igu caawi Arin kaan Oo good answer isii adoo mahadsan
Waxaa rabaa in aan muuqeeyga bedelo Oo aan murqa dhiso
In badan waa Soo dhigay su'aalo Lkn jawaabta kuma qancin
Lkn waxaa filaa in ee tan noqon doonto midaan abid Ka sheekeeyo
Thank u
-
Sababta aadan ugu qancaynin jawaabaha laga bixiyo su'aalahaan aad soo bandhigaysid waxay tahay, in dadku aysan isku mid wada noqon karin haddii xittaa ay isku si cunto u cunaan ama gym u ciyaaraan, dadka isku qaab alle uma abuurin, dadbaa iyagoo waxba qaadqaadin murqaha jirkoodu u kala qaybsan yahay oo baruurtu ku yar tahay, dadbaa cunnada habeesto, dad baa daawooyin hormones isticmaalo.
Marka qof kuu damaanad qaadi karo in aad sida aad ku arkaysid sawirada dadka murqahooda soo bandhigo in aad noqonaysid haddii aad cuntid siyaabaha laguu sheegay ama meel aad ka akhrisay ma jiro.
Cunnooyinka aad kor ku soo sheegtay, waa cunnooyin borotiin u badan, sida aan horay kuugu sheegayne waxay muhiim u yihiin kobcinta lafaha iyo murqaha, rootiga aad tilmaantay ma ahan borotiin ee waa carbohydrate.
Marka sida horay aan kuugu sheegayba, waxaa fiican qofka inuu jir caafimaad qabo helo inta uu ku mashquulayo murqo waawayn, talooyin horoo badane waan kuu soo tilmaamay, weliba waxaan horay kuugu sheegay murqaha oo la barariyo inay dhibaatooyin badan keenaan, khaasatan dib u baar nolosha ay ku nool yihiin ama ay ku dambeeyaan dadkii caanka ku ahaa murqaha waawayn oo biraha qaadi jiray, waad ogaanaysaa in caafimaad darri ka qaadeen.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.