Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirahamanj on May 09, 2016, 12:11:42 AM

Title: Su'aal: TB hurudo (Tuberculosis)?
Post by: Abdirahamanj on May 09, 2016, 12:11:42 AM
waxaa la i sheegay in tb hurudo(Tuberculosis)  i heyso marka sidee loo daweyaa arintaas rabay inaan weydiyo iyo wax keeno  doctor ka iyo wax keeno iyo macluumad badan oo ku saabsaniyo  sidaan  isgu da daali karo
Title: Re: Su'aal: TB hurudo (Tuberculosis)?
Post by: SomaliDoc on May 27, 2016, 09:48:10 PM
TB hurdo ama "Latent TB" waa marka jirkaagu uu jeermiska TB-da uu ka xoog badiyay oo uu jiifiyay, waxa TB-da kale keeno ayaa keena, laakiin qof ayay horay ugu dhacdaa oo astaamaha ka soo muuqdaan, qofne difaaciisa ayaa xooggan oo active ma noqoto, wax astaamo ahne ma dareemo.

Markii la baaro ayaa la fahmaa kaliya inuu qofkaan TB jirkiisa mar hore soo weerartay, hadane ay hurudo.

Wax daawo ah looma qaato, waxay soo kici kartaa kaliya markii difaacaagu hoos u dhaco sida cudurka HIV-ga oo kale iyo nafaqo-darrida macluusha keento iyo daawooyinka difaaca hoos u dhigo, laakiin wax wayn oo laga welwel maahan hadduu caafimaadkaaga guud uu fiican yahay.