Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shaxshaxleey on May 10, 2016, 07:07:22 PM

Title: Su'aal: Gabadh aan dhalay oo 5 jira baa xanuunsatay?
Post by: Shaxshaxleey on May 10, 2016, 07:07:22 PM
asc dhaqaatiirta  iyo bulshada bogan ku xiran waan idin sallaamay dhaamaan dhaqatiirta waan uga mahad celin hawsha ay noo hayaan  sulaal ayaan qabaa ah gabadh aan dhalay oo 5 jira baa xanuunsatay malaryo baa laha helay kadib dawo irbada baa sinta loga durayay markii tii kobad ay qaadatay indhahaa jaale noqday  cunada wayka goday maxay tahay sababta   ma cagarshowbaa  mise malaryada qaar sasa suaalsha labaad  waxaan joga ugandha markii bil ama labo lajoogo ilmaha malaarya laga helaa aad na waa u yar yaryihiin shandarawo wan u xira biyo aan nadiif ahayna masiiyo sideen ku xalinkara oo kale maxaase kaga maarmi karaa sharoobo iyo kaniin bil walbaa ama  uroon ilmahaygase dawadaas wax yeelo mawgaysankadhaa       ugu danbayn hooyo  umul ah oo ilmo nuujinaysaa liin dhanaan iyo malab haday biyo diiran subax walba aroortii cabto intay isku darsato si ay isku dhuubto   ilmaha wax mayeelayaan oo ma caatobayaa ama caano yari mak u sababaysaa waad na mahadsantihiin somalidoc.com
Title: Re: Su'aal: Gabadh aan dhalay oo 5 jira baa xanuunsatay?
Post by: SomaliDoc on June 01, 2016, 09:28:59 PM
Waa suuragal in cirbadu ay dhaawac beerka gaarsiisay, khaasatan haddii daawadu cabirkeedu uu waynaa, wayna dhacdaa dadka daawooyinka qaar qaato, waxaa kaloo suuragal ah in malaariyada heysay ay ahayd mid xad dhaaf ah oo keenaysa in unugyada dhiiggu burburaan, tanoo loo dareemi karo qaab cagaarshow oo kale, waxaas waxaa fahmi karto dhakhtarka xaalada ilmaha gacanta ku hayo.

Malaariyada soo laalaabashadeedu aad uma badno hadduu qofka ku nool yahay meel malaariyadu ku badan tahay, wuxuu alle ka siiyaa difaac lid ku ah mararka ugu horeeyo oo ku dhacaba, laakiin tayada shaybaarka aad gabadha ku baartid sidee tahay?

Waxyaabo badan ayaa u baahan in la hubiyo si loo ogaado ma Malaariyo soo laalaabato ayaa gabadha hayso mise waxyaabo kale ayaa jira?

Midda hooyada ku saabsan, wax dhib ah uma keenayso nuujinta iyo caano yarida intaba, halkaan ka akhriso waxyaabaha caanaha yareeyo oo la rabo in hooyada ay ka fogaato: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5596.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5596.0)