Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Axmed love on May 12, 2016, 01:57:02 PM
-
ASalaamu calaykum
Marka hore aadban idiinka mahad celinayaa hawsha aad u haysaan bulshada soomaliyeed
Marka xigta aan u gudbo suaasha aan qabo
-waa maxay ice bucket ama qofka oo biyo qaboow dhakada iskaga soo shuba badanaa waxaan ku arkaa arintaan laacibiinta kubada ciyaara
Markaa caafimaad ahaan maxay qofka u taraan ?
-
Caafimaad ahaan waxba uma tarto ee waa arrin soo bilaabatay sanadkii 2014, iyadoo qaab xujo ahaan loo samaynayay si hadduu qofkii lagu xujeesto u samayn waayo u bixiyo lacag deeq ah oo la siinayay hay'ad u qaabilsan xanuun neerfaha ku dhaco oo loo yaqaano "amyotrophic lateral sclerosis".
Asal ahaan fikrada biyaha qabow oo la isku shubo waxaa lahaa wiil ku dhacay xanuunkaan oo dalka maraykanka u dhashay, fikradane waxay ahayd in lacag loogu aruuriyo hay'addaas iyadoo ka heshay lacag xad dhaaf ah oo wax loogu qabanayo dadka qabo xanuunkaas.
-
Thanks in badan doctor