Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salaado cali on May 16, 2016, 01:21:59 PM

Title: Su'aal: Cunto barista ilmaha?
Post by: Salaado cali on May 16, 2016, 01:21:59 PM
Asc wrm wbr dr qayr badan allah kaa siyee howsha aad u haysit bulshada somaaliyeed
Suashaydu waxay tahay sidee ilmaha lagu bari karaa inay kaligood waxa cunaan ? Goormeesa la bari karaa
Sida wada oganhay caruurta soomaaliyyed marka waxa la siinaayo dagaal ama sasibad ayaa waxa lagu siiyaa !
Title: Re: Su'aal: Cunto barista ilmaha?
Post by: SomaliDoc on June 01, 2016, 09:49:23 PM
Caruurta hadduu go'aanka cunno cunista faraha looga qaado way baranayaan, cillada ugu wayn oo hooyada haysato ayaa waxay tahay in cunnada ilmaha lagu qasbo iyadoo la fiirineyn inuu dhargan yahay ama cunnaba uu rabo, hadduu xuriyad la siiyo caruurta way sahlaan thaay inay cunno cunaan isku filnaanshane ay gaaraan.

Midda kaloo xigta, haddiiba ilmuhu ay gaaraan xilliga isku filnaanshada xagga cunista oo lagu qiyaaso bisha sagaalaad waa in hooyadu u dul qaadato inta uu ka baranayo, maxaa yeelay marka hore cunnada uu daadinayo ayaa ka badan inta uu cunayo, waana wax la qabsi u baahan.

Sabar ayaa lagaaga baahan yahay.
Title: Re: Su'aal: Cunto barista ilmaha?
Post by: Salaado cali on June 06, 2016, 12:16:30 AM
Jazakalah dr