Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mrmudane on May 17, 2016, 05:17:47 PM
-
Doctor aad baan kaaga mahadcelinyaa howsha qaran ee aad u heyso umadda Soomaliyeed, wallahi howl aad u ballaaran ayaad heysaa, Illaah ha ka ajir siiyo, annagana waan kuu duceyneynaa, waxaan rajeyneynaa in maalin un wadankeynu hagaagi doono, generation badana ay kaa fiiaa'ideysan doonaan.....
Su'aasheydu wey gaabaan tahay, waxa aan akhriyey oo aan aad uga heley faa'iidada saliidda macsarada;, si aad la socoto Soomaliya saliidda dabka ayaa la saaraa (bun ayaa laga dhigaa) ka dib ayaa in badan la cunaa, ee haddii Saliiddu dabka la saaro ma dhibaato ayey leedahay? caafimaadka ma u fiican tahay?
Mahadsanid
-
Waa su'aal muhiim ah, waana sax in saliidaha isbadalaan markii dabka la saaro, isbadalada ku dhaco waxay isugu jiraan isbadal qaabkii ay u samaysneyd ama waxa loo yaqaano "chemical structure" iyo in waxyaabo saliidda ku milmo ay ka mid noqdaan oo badali karo faa'idadii laga heli lahaa, marka haddii aad rabtid in saliid aad faa'ido nafaqeed ka raadiso dabka ha saarin, laakin mar walba saliidaha dabiiciga ah ama geedaha laga sameeyay way ka fiican yihiin markii wax lagu kariyo kuwa macmalka ah sida saliid cadayda.