Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Amaana02 on May 29, 2016, 05:50:11 AM

Title: Su'aal: Dhago Xanuun
Post by: Amaana02 on May 29, 2016, 05:50:11 AM
Asc marka hore  aad ban u salaamayay xubnaha pagken o ah page aan waxbadan ka faa'ideysano si gaar ah dhakhtarka ayan u salamaya suasheydu waxey tahay hada ka hor anigo aad u da'yar aya jug xoog leh waxey iga gaartay dhag xooga jugtas gartay awadeed  dhagti wey I dilaacday macnaha wey baqday waxana xili walba ka socan jiray maal , hada mudo aya laga jooga wili maashi aya mar mar ka timaada walow eyna sidi  hore  ahayn dhagta gudaheda waxan Ku bufiya barafon si urka kaso baxo u u yarado dhaqtar suasha an Ku weydinayo waxey tahay mxn isticmala si qoyankas u uga jogsado dhagta? Barafunka an Ku bufinayana wax cilad ah miyu u keni kara dhagta ? Mahadsanidiin
Title: Re: Su'aal: Dhago Xanuun
Post by: SomaliDoc on June 05, 2016, 08:05:16 PM
Fadlan dhakhtar E.N.T u tag, si dheecaanka loo beero, kadibne daawada loogu tala galay lagaaga siiyo, waxaa kaloo dheecaanka laga soo dareerin karaa dhagta si loo nadiifiyo.

Barafuunka waa aalkolo uma fiicna in jirka gudahiisa lagu buufiyo wuxuu badali karaa maqaarka, dheecaankane wuu kugu sii badinaa.