Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Darmaan123 on May 31, 2016, 09:09:38 AM
-
Waxaan arkay qof aanad wax qaldan ama isdhaaf ah aanad ka dareemayn hadana sidaad u wada socotaan ee aad dariiqa u maraysaan ayuu arkayaa laba dhagax ama laba qori oo meel yaala ka dib intuu ku leexdo ayuu dusha iska saarayaa ama simayaa.
isagoo caadi kuugu sheekaynaya ayuu hawshaana iska wataa oo dhagxaantaas iyo daasadahaas uun buu isasaarsaarayaa.
hadaad waydiisid sababtana waa iska caadi buu kugu odhanayaa isaga oo aan waxbaba iskusii mashquulin inuu kuu sharaxo.
haddana cabaar markaad socotaan ayuu arkayaa isla sidii oo kale laba dhagax oo is ag yaal, ka dib wuu isku habaynayaa. hadduu dusha iska saari karo dusha ayuu iska saarayaa haddii kalena wuu isku simayaa.
wax kalena ka dareemi maysid.
haddaba diktoore arrintaasi ma cudur maskaxeed baa maxaase la dhahaa xanuumkaas wll?.
Mahadsanid diktoor
-
Waxaa loo yaqaanaa "Compulsive disorder", ka akhriso halkaan qoraal aan hada ka hor uga hadlay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3700.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3700.0.html)