Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohamuud134 on June 01, 2016, 12:35:29 PM
-
asc Dr. marka kowaad waxaan kaaka mahadcelinaya sida wanaagsan oo islaanimada kusalaysan oo dadka aad uugasoo jawaabtan su'aalahooda marka aan ugudbo suaasha aan qabo. Dr waxaan isku arkay calool fadhiso si kasto oo aan u isticmaalo fruitka wax is badal iskuma arkin waxaa ii dheer in aan lalaboodo marka aan subixii carabka cadeenayo, ACNE oo ika soo baxay dhabarka xabadka iyo wajiga ,appetiteka oo igu yar , mizaanka oo aanan ziyaadeynin iyo aniga oo sii caatobayo aniga oo cuno cunto isku dheela tiran marka dhaqtar ayaa laxiriiray baaritan saxaro iyo mid dhiig kadib wuxuu iisheegay in aan qabo kooryan(amoeba) marka dawooyinkii marka aan isticmaalay bil kadib xaaladeyda mesheedi ayey kusolabatay marka Dr waxan rabay in aad wax iiga sheegtid cudurkan amaba home remedies aan isticmaali karo ama tilaaboyinka kuhaboon in aan qaado. any full detail will be highly appreciated.waad mahadsantahay
-
Haddii xanuunkaagu uu yahay Amoeba, waxaa laga qaadaa nadaafad dariida, cabista biyaha wasakhaysan iyo cunista cunada wasakhaysan.
Haddii aad isku aragtid inuu xanuunkaan kugu soo laalaabanayo, ku dadaal nadaafada, cunandane ku darso toonta ama iyadoo cayriin ah haddii aad cuni kartid cun, maxaayeelay gooryaanada iyo bakteeriyada caloosha ku dhacdo aad ayay wax uga tartaa.
Akhriso faa'idooyinka toonta laga helo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6717.0)