Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashraf7 on June 02, 2016, 03:20:28 PM

Title: Su'aal: Waxaan dareemaya xanuun lugaha hoose ah?
Post by: Ashraf7 on June 02, 2016, 03:20:28 PM
Asc wr wb waxaan marka hore u mahadnayaa dadkii isku howlay inan shaqadan muwadanintoda u qabtan intan shaqadan wanagsan. Walal waxaan dareemaya xanuun lugaha hoose ah laga bilaabo jilbaha iyo lafdheerta dhuuxa ayaa i xanuunaya dhabar xanuune sido kale waa maxay xanuunkas?? Thanks
Title: Re: Su'aal: Waxaan dareemaya xanuun lugaha hoose ah?
Post by: SomaliDoc on June 18, 2016, 01:52:54 PM
Waxyaabo badan ayaa keeni kara, cillada lafaha ah, cilald murqaha ah, cillad xididada iyo neerfaha ah iyo cillad fitamiin yari ah ama cillad astaan u ah xanuun kale, waxaa haboon in aad dhakhtar la xiriirtid si loo ogaado midda ay tahay.
Title: Re: Su'aal: Waxaan dareemaya xanuun lugaha hoose ah?
Post by: Ashraf7 on June 21, 2016, 11:06:12 AM
asc akhyarta dhakhaatirta sharafta leh ee bagekan noo furay si ay nooga faaideyan suaasheyda waxay tahay waxaan mudo dhowr sano ah isku arkay kaadi aan dhamaneyn markan suuliga ka imado aan so istijoodo kadib iga imaaneysa ama igu so horeysa waxaana ugu badan markan salaad galo ama aan foorar sameyo markan xal uwaayo waxaan muda ku qalajiyaa tiishka markan ogaada inay jogsatay ayan biyaha isticmaala hadii aan tiish heline maba tukan karo oo wey imaaneysaa
waa maxay cudurkaas?? thanks
Title: Re: Su'aal: Waxaan dareemaya xanuun lugaha hoose ah?
Post by: SomaliDoc on July 28, 2016, 04:37:08 PM
Cilladaas waxaa keeni karo haddii kaadi mareenku uu jiran yahay, ama qanjirka borostaatada ay cilladi ka jirto ama sokor aad qabtid.
Fadlan la xiriir dhakhtar.