Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Qalanjo Abdi on June 04, 2016, 04:00:43 PM

Title: Su'aal: Indho xanuunka?
Post by: Qalanjo Abdi on June 04, 2016, 04:00:43 PM
Asc doctor salaan kadib waxaann rabay inaad iga jaahil bixiso indhaha xanuunka waxayna ku bilaabanaysaa sida tan :     labo sano ayaa laga jooga intaan indho xanuunka isku arkay hal mar ayaa dhaqtar baaritan u aaday wuxuuna dhahay ookiyaal qaado lkn ilaa hada ma qaadan  marka xanunka hadaan kaga waramo labada indhood ayaa i xanuuna cun cuna way wataan waqti goonina malaha oo marwalba ayey i cuncunaann waxaad mooda in basbaas la iiga shubay xanuunka iyo cuncunka i hayo dartii  waxana saaid u badan cuncunka wayna  gaduudann yihiin lkn saaid maaha gaduudka waqtiga cucunka socdo waxaa la socoto illin oo markay i cucunaann illin ayaa iga timaaado. Aragayga daciif maha caadi ayaan wax u arkaa. Markaan guriga ku jiro iyo markaan banaanka joogo. Guriga markaan ku jiro ayaa ii fiican iftiinka bananka ayaa idhibo dabayshana way idhibtaa wali mida hawada ah . Indhaha barar malaha lkn wakhtiga ay i cuncunaan waan xooqa wayna i xanuunan. Habeenki jiifka waa caadi waxba ma dareemo si wacan ayaan u seexda. Waxaa intaa dheer intaan indho xanunka isku arkin waxaa igu dhacay madax xanuun oo waliba qaybta neerfaha ayaa aad ii xanuunta waxaana laga jooga sadex sano ilaa hadana way i xanuuntaa . Marka doctor adigoo aad u mahadsan samaynta ay igu yeelan karto iyo dawada lo qaadan karo iyo waxa keenay arinta inad iga haqabtirto. Wixii suaal ah oo faahfahin u baahann gadaal waad isoo waydiin kartaa. In sha allah.   Allah ha ka ajir siiyo wanaga aad noo haysid janatul firdowsa ayaan kuugu duceeyey.
Title: Re: Su'aal: Indho xanuunka?
Post by: SomaliDoc on June 20, 2016, 03:08:35 PM
Waxaad ka cabanaysaa xasaasiyad indhaha ah, waxaana loo yaqaanaa "Allergic Conjunctivitis" waa in aad qaadatid daawo xasasiyada kaa yaraynayso, waxaa kaloo muhiim ah in aad xirato muraayado si ay kaaga ilaaliyaan iftiinka iyo boorka waana labada sabab ee ugu wayn ee ku kicinayo allarjiga.

Haddii aad sii xoqdid, waxay keeni kartaa inuu dhaawac kaa gaarto isha, sidaasne aragga ku nusqaamo, waa muhiim in aad talada dhakhtarka qaadatid.