Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sfarah0104 on June 05, 2016, 02:23:38 AM

Title: Su'aal: Hair transplant?
Post by: Sfarah0104 on June 05, 2016, 02:23:38 AM
Waa idin salamay magaceygu waa Abdullahi  said waxan ahay wiil dhalinyaraa oo timaha kabideen bidaarna leh jirana maaha ee waa heredity waxaan rabaa inaan timaha abuurto weliba nuuca layiraa FUE hairTransplant  oo hada aad loo isticmaalo waxaan rabaa in side effect haduu leeyahay wax la iigaga sheego ma igula talin leheeden inaan abuurto mise waad iiga digi leheeyden??waxaan rabaa inaad taladiina iyo aqoontiina igu caawidiin waana mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Hair transplant?
Post by: SomaliDoc on June 20, 2016, 02:59:23 PM
Ma kugu la talin lahayn sababahaan hoos ku xusan awgood:

1- Dhiigbax
2- Caabuq
3- Barar basada ah
4- Indho barar
5- Dareenka oo basada ka lumo ama kabuubyo.
6- Cuncun oo aadan xoqi karin, haddii kale tinta ayaa soo daadanayso
7- Bocoolo ama malaxaysi basada ah.

Intaasba waa waxyaabaha ugu badan ee lala kulmi karo, dhakhtarkaagane wuu kuu sheegi doonaa, mana jirto damaanad in aadan la kulmi doonin, sidaa awged aniga kugulama talin lahayn in aad samaysid arrintaan.