Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on June 06, 2016, 06:24:04 PM
-
(http://somalidoc.com/Topics/bukaan.png)
Bismillahi..
Waa casharkii 4-aad ee taxanihii baraarujinta caafimaad ee bisha ramadaan.
Waxaan qoraalkaan kaga hadlayaa talooyin guud oo ku socota bukaannada damacsan inay soomaan bisha barakaysan ee Ramadaan.
- Iska ilaali cunnooyinka cusbada iyo sokorta ku badan tahay xilliga suxuurta maxaayeelay waxay jirka ka nuugaan dheecaan unugeedka, taasi oo keeni karto haraad badan maalintii
- Iska ilaali in aad qoraxda ku shaqaysid si aadan u fuuq bixin ama dareeraha jirkaaga u yaraan.
- Ku dadaal in aad cabtid ugu yaraan 8 kobo oo biyo ah inta u dhaxayso afurka iyo suxuurta illaa inuu dhakhtarkaaga kuu diido mooyee.
- Kala tasho dhakhtarkaaga qaadashada iyo wixii laga badalayo daawooyinka kaadida badiyo ee loo yaqaano "Diuretics".
- Ka fogow cabista kaffeega iyo qaxwada si kor qallayl kuugu dhicin.
- Dhakhtarkaaga kala tasho cunnooyinka ay dhici karto inay lid ku noqdaan daawooyinka aad qaadatid.
- Haddii daawada aad hal mar qaadatid, waxaad ka dhigataa xilliga afurka ama xilliga suxuurta.
- Haddii daawadu ay tahay labo jeer, waxaad ka dhigtaa xilliga Afurka iyo xilliga Saxuurta.
- Haddii daawada sadax ama afar jeer aad qaadanaysid la tasho dhakhtarka inuu kuugu badalo cabbir aad qaadan kartid laba jeer ama daawo kale oo u dhiganto.
- Haddii daawo qaashada ay kugu adagtahay ama aad hilmaamaysid xilliga soonka, waxaa haboon in aad dhakhtarkaaga kala tashatid si laguu siiyo daawo waqti go'an leh ama kulminaysa daawooyinka kala duwan ee aad qaadatid.
- Ogow daawooyinka lagu luqluqdo ma buriyaan soonka maadaama aanan la laqaynin.
- Kaniiniga iyo sharoobadu way buriyaan soonka.
- Cirbada iyo goojada dhagaha ama indhaha lagu dhibciyo waa la isku khilaafsan yahay inay buriyaan ee la tasho shiikhaaga.
- Ogow waa muhiim in aad dhakhtarkaaga ogolaansho caafimaad ka heshaa inta aadan soomin, maadaama uu ka war hayo heerkaaga caafimaad.
Waxaa noogu xigi doona Qoraallo aan kaga hadli doono talooyin faahfaahsan oo ku socoto dadka wadnaha ama kilyaha ka jiran, dadka qabo cudurka macaanka iyo dhiigkarka, hooyada uurka leh ama ilmaha nuujiso iyo dadka qabo cilladaha uu soonka saameyn ku yeelan karo.
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)