Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu Ritaaj on June 29, 2016, 12:47:04 AM
-
ASC Doctors waxaan dhalay ilmihi iigu horeeyey bil iyo 20 bari ka hor alxamdu lillaah aniga iyo cunugteydaba waan caafimaad qabnaa lkn dhibka i heystaa wuxuu yahay markaan umuley kadib caloosha hal maalin xitaa ma aanan xirin xanuun i haayey dartiis hadase waan caafimaad qabaa lkn caloosheyda oo uurka ka hor aad u yareyd hada wey i weynaatey waxeyna ila tahay iney i fakatey muqdisho ayaan ku noolahay oo gym dumar laheyn balse suunka caloosha yareeya ee caadiga ah waan xirtaa natiijose kuma arag ilaa hada fadlan maxaan sameyn karaa si caloosheyda sidi hore ama si u dhow iigu soo noqoto waxaan sameyn karo ama isticmaali karo ama ugu yaraan talo waa ii muhiim fadlan.
mahadsanidiin dhamaan
-
Murqaha calooshaada iyagaa tartiib u adkaan doono, 20 beri waa muddo aad u yar oo lagu fahmo isbadal, jimicsi murqaha caloosha ku sameey guriga, muddane sii iyadaa kuu adkaan doonto insha'llah.