Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Gifted on July 05, 2016, 06:12:03 PM
-
Asc dhamaan dhaqaatirta sln kadib, Walalayal sida aan filayo wxan su'asheyda kusoo gudbinayaa qeybta su'aalaha wayo horey ayn idinweydiyey jwb meshan kasugaayana fariin wxaa itimid qeybta su'aalaha kusoo gudbi ah.
Wll waxaa muddo badan iga xanunsan Hooyadey oo dadeedu tahy 54 sano xanunkedana yahy 2 nooc.
Mid waa Caloosha midna waa Lugaha, dhaqaatir & hospitals bdn-na wn geeyay anigoo kabaaraya Gas, wxaa hooyo lasaaray 3 mar Ultrasound dhiigag & dhiican-na waa laga baaray wxey dhaqaatirta shegen in uu beerka fcn yahy bahalna jirin xogaa kaniiniyal Gas ayey usoqoren & boomato lugaha ah, wx ay utareenna malahan.
1- Hooyo wxaa laga jiidayaa Caloosha wxey moodeysaa iney kasoo dhaceyso oo kale weyna iska buuranee mar marka qaar wxeyna dhaheysaa FANQALKA ayaa toorey in layga gilinaayo maleeyaa.
2- Hooyo lugaha kama socon karto oo culeys ayey noqonayan marmarna lugta ayaa labodeyso oo iney dhacdo ayey kabaqee, wxey leeyihiin kabaabiyo in lataabto xitaa ma ogolo oo wey naxuunayan markaad usoo socoto lugaha ayey kaala cararee.
MArka walalayal wxn rabay in aad iga caawisan hooyo xanunkeda Calosha & Lugaha.
MAHADSANID DHAMAAN.
-
Way adag tahay in warbixintaas kooban darteed, lagu ogaado xanuunka hooyo haayo, laakiin sida aan filaayo, xanuunka lugaha waa neerfo ahaan, midda calooshane gaas wuu noqon karaa, xanuun xameetida ahne wuu noqon karaa, hadduuse mida lugaha neerfo noqoto wuxuu dhibka ka jir karaa dhabarka ama sinaha, fadlan baaritaan dheeraad iyo waraysi qoto dheer ayay u baahan tahay hooyo.