Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xaane on August 03, 2016, 10:40:23 AM

Title: Su'aal: Cudurka Dabeysha ayaa lug samayn iiga yelatay?
Post by: Xaane on August 03, 2016, 10:40:23 AM
Asc Doctor

Salan ka bacdi Diktore waxaa igu dhacday cudurka dabesha anigoo yar al xamdu lilaah si fiican aya la iiga daweeyay laakin hadeertan lug ayay saameyn ku yeelatay aan sidaas u badnayn  marka lugta wax yar ayay tan kale ka yartahay dhanka murqaha iyo dheerar kaba seediina ma hayo ay lugtu lahayd.

Marka waxaan donayay inaan murqahaas wa ka qabto iyo seeda macquul ma tahay in lasoo celiyo Murqihi iyo seedii .

Insha allah jawaab waafi ah ayaan kaa sugayaa aniga iyo Akhristayaasha ku xiran Shabakadan.
Title: Re: Su'aal: Cudurka Dabeysha ayaa lug samayn iiga yelatay?
Post by: SomaliDoc on October 02, 2016, 08:49:23 PM
Murqaha iyo seedaha markay naafoobaan muddane ka soo wareegato, waxqabadkooda wuu xadidan yahay khaasatan haday cilladu ahayd fayrasyada dhaawaco neerfaha dhbarka ee kontaroolo murqaha lugaha sida dabeesha oo kale.
Isbadallada la dareemo badanaa waa markuu cusub yahay xanuunka, laakiin hadduu kale, waxaa laga yaabaa in lagu dhaho seedka ayaa la goynaa si lugta u dheeraato laakiin dhib kale inay ka dhalato ayaa dhici kara.