Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaabuli on August 06, 2016, 10:33:49 PM

Title: Su'aal: Mararka qaar aan dareemo daaco ama naqas?
Post by: Kaabuli on August 06, 2016, 10:33:49 PM
Asc. Dhamaan bahda somaliDoc waan salaamayaa, salaan ka bacdi waxa aan jeclahay doctorka in aan suaalo xanuun aan dhawr jeer isku arkay kaasi oo ah in mararka qaar aan dareemo daaco ama naqas aan urtiisu fiicnayn amaba waxa soomaalidu u taqaan daaco-qudhunka, kaasi oo si aad iskugu dhaw dhaw ii qabanayaa, waxa taasi garab socda caloosha oo ay iyadna sidii shuban oo kale dhaqaaqda laakin biyo hurdi(jaale) ah oo keliya ka imanayaan si xawli lehna u socota.  Daacadaasi iyo biyahaasi  ilaa aan iska matajiyo oo waxa calooshayda ku jira aan soo faaruqiyo mooyaane igama go'aan, kolka aan matagaayana waxa aan dhigaa cunto aad u qadhmuun oo aan dheefshiidmin, mararka qaar cunto aan shalay cunay oo kale ayaan soo matagaa iyada oo aan shiidmin se urteedi is badashay. Doctor dhawr goor waxa aan isticmaalay marka uu i qabto kiniinka gaasteriga kaasi oo aan waxooga ladnaanshiiyo ahku dareenay lakin weli wax doctor ah lama kulmin oo xanuunkaasi uma soo bandhigin. Fadlan doctor iga caawi wixii awoodaada ah xanuunkaasi iyo sababaha aanuga hortagi karo ama waxyaabaha aan ku daweeyo marka aan dareemo iuo talooyi kaaga caafimaad ee aad i siinaysaba
Title: Re: Su'aal: Mararka qaar aan dareemo daaco ama naqas?
Post by: SomaliDoc on October 02, 2016, 08:35:04 PM
Waxyaabahaasi waa astaamo dheefshiid xumo ee akhriso warbixintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3218.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3218.0)