Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu Ritaaj on August 17, 2016, 03:28:55 PM
-
Asc walaal salaan kadib gabar yaroo bishi afaraad hada u bilaabatey oo marki horena naaska hooyadeed oo caanaha ku yaraa darteed caanaha gasaca la siin jirey maxaan siin karaa oo cunto ahaan ugu bilaabi karaa baradhadana egfashin ma leedahay mida kale madaxa jeegada danbe mar walba waa kulushahay wax jiro ahna ma qabto oo xaaladeeda waa iska caadi lakin mar walba jeegadeeda waa kuleyl doc 3 bilood iyo 23 bari markey jirtey miisaankeedu wuxuu noqdey 6.075 kiilo waa sidee doctor koritaankeeda iyo miisaankeeba.
mahadsanid
-
Taasi waa dabiici in caruurta ay ka kulul yihiin jeegada, midda kale baradhada waxay la mid tahay cunnada kale ee la cuno, wax infekshan ah lagama qaado, caruurta markay da'daas jiraan wax dheefshiidkoodu xamili karo ayaa la siiyaa sida caanaha, biyaha, caano fadhiga, baradho la jilciyay, bariis cad oo la radiiqay iyo wax la mid ah.