Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Darmaan123 on August 30, 2016, 08:08:14 PM
-
Asc marka hore waxaan salaamayaa diktoorada iyo dhamaan walaalaha kale ee qoraalkan arki kara.
bacda salaam, wll waxaan u baahnaa suaashan inaad iga jaahil saartaan.
waana sidan; wll xaaska blood group-keedu waa 0-negative. aniguna 0+ baan ahay, ka dib diktoorada ayaa nagula taliyay in cirbadan lagu duro markay umusho gabadhu. ka dib markay umushay ayaan ku durnay irbadii 72-saac gudahood. ka dib waanu iskaga baxnay hospitalkii, hadaba irbadaa sababta loogu duray maxay ahayd mar haday umushay oo ilmihii debeda joogo ilaa awel waxa nalagu yidhi ilmaha ayay irbadani ka difaacaysaa antibodies-ka hooyadeee. mar hadduu ilmihii dhashay isagoo caafimaad qaba waa ilaahay mahadiiye sababta irbadan gabadha loogu muday wll iga jaahil saar fadlan.
ma ilmaha naaska jaqaya ayaa looga baqayaa inay wax yeesho mise ujeedo kale ayaa loogu duray.
faahfaahinta dhakhtarkii baan waydiin lahaaye waanaan is fahmayn mushquulna wuu ahaa oo ima uusan qancin. ka dib waxaan is idhi su'aashan kugu taagan walaalkaa ula tag oo waydii isagaa afkiina hooyo kaaga haqabtiraya jawaabtee...
wll mahadsanid diktoor.
-
Waa su'aal muhiim ah, sababta cirbada loogu duray ma ahan cunugaan ee waa ka hortag uurka soo socdo, maadaama dhiiga uurjiifka iyo dhiiga hooyada ay isdiidan yihiin, waxaa dhacdo in xilliga foosha ay labada dhiig isgaaraan, markaasne jirka hooyada uu sameeyo ka hortag dhigga noocaas ah lacalla mustaqbalka hadduu jirka gaaro sida haddii ay uur qaado mar kale cunug dhiigiisu uu +ve yahay.
Cirbadaan waxay hilmaansiinaysaa difaaca jirka hooyada inay xasuusato dhiiggaan cusub oo aysan difaac ka galin mustaqbalka, sidaasne uu cunuga soo socdo ka badbaado in dhiigiisa la weeraro isagoo uurka ku jiro sidaasen ku waxyeelloobo, marka waa muhiim mar walba ay dhasho in cirbada lagu guro ka hortag ahaan.
Waxaan filayaa in aad fahantay.