Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdirisaaq Axmed on September 27, 2016, 09:08:39 PM

Title: Su'aal: Jilibka ama lowga oo i xanuunaya?
Post by: Cabdirisaaq Axmed on September 27, 2016, 09:08:39 PM
Asc dr. Wan ku salamay marka hore. Ilaahay haka ajar siyo aqoontada ad dadka ugu adeegayso.

Su'aasha an qabo hadan u gudbo. Jilibka ama lawga midig iyo murqaha ama seedaha ku wareegsan aya i xanuunaya. Xanuunku wuxu igu daran yahay markan so tooso subaxi ama markay lugta cabaar ii laabnato sida markan gaadhi ku safro oo cidhiidhi darti lugaha anan toos u fidsan karin. Miisankaygu qa 61 kg, da'daydu wa 28 sano. Waqtigan an mesejka qorayo wu i xanuunaya, markan gacmaha ku taabto si an u ogaado meesha xanuunka uu khaas u yahay ma helo, waxaana ad mooda in murqaha ama seedaha xanuunku u badan yahay. Way jirta jug iga gaadhay marar kala gadisan jilibka.

Mahadsanid Dr.
Title: Re: Su'aal: Jilibka ama lowga oo i xanuunaya?
Post by: Cabdirisaaq Axmed on October 17, 2016, 01:14:30 PM
Dr waxan maclumad ahan ugu dari laha su'ashayda sare inan tagay dhaqtar ku yaala dire dawa, ethiopia isla maalmihi an su'aasha kuso waydiyay. X-ray ama raajo ayu ii diray kadibna jawaabtu wuxu ii sheegay inan waxba ka qabin lugta micnaha lafta lowga iyo hilibka ama seedaha ku harersan. Wuxu ii sheegay inan tago adisababa oo an kumbiyutar iska so saaro taas oo an wali ii suurtoobin.
Lugtina wali way i xanuunaysa khaasatan markay cabaar ii laabnato ama qabow jiro. Waxa kaliya ee an ku nafisa wa inay ii fidsanata.


Mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Jilibka ama lowga oo i xanuunaya?
Post by: SomaliDoc on October 26, 2016, 06:41:30 PM
Horay ayaan uga hadalnay cilladaha ku dhaco jilbaha, ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5678.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5678.0)
Title: Re: Su'aal: Jilibka ama lowga oo i xanuunaya?
Post by: Cabdirisaaq Axmed on November 05, 2016, 06:32:31 PM
Dr wad mahadsan tahay dadaalka iyo waqtiga galisay si ad igu so jawaabto. Dr anigo uga fa'idaystay shaqo an u tagay magaloyinka adisababa iyo diredawa ayan lawga iska so saaray raajo iyo MRI jawaabtana waxey noqotay inan waxba ka qabin lowga, seedaha, murqaha, dhuuxa iwm waxuna dhaqtarku iso qoray dawo kaniini ah oo la yiraah CATAFLAM 50 mg. Sido kale dhaqtarki wuxu ii sheegay inan qaato physiotherapy 2 weeks inkasto aysan ii sortobin hawshas waqtigo igu yar awgi.

Dr wali lowga xanun wan ka daremaya khasatan markan lugta i laaban tahay iyo waqtiga qaboowgu jiro.
 Thanks dr
Title: Re: Su'aal: Jilibka ama lowga oo i xanuunaya?
Post by: SomaliDoc on November 20, 2016, 06:28:41 PM
Cabdirisaaq haddii aad heli kartid huruud fresh ah oo aad cabitaan ahaan u cabtid ama dheecaanka geedka dacarta oo aad jilibka marsatid aad ayay kuu anfici lahayd.