Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ibtihaal Hajji on October 04, 2016, 05:13:25 PM

Title: Su'aal: Waxaa Ku Bilowday Qufac Aad Ah?
Post by: Ibtihaal Hajji on October 04, 2016, 05:13:25 PM
Assalaamu Caleykum
Dhamaan Waan Idin Salaamay Si Guud
Si Gaar Ah Dhakhaatiirta Utaagan Caawinta Dhibanayaasha Bahda Somdoc.
Kadib::

Waxaan Wataa Suaal
Haweeney Uur Leh Uur Bil Ahna Leh
Ayaa waxaa Ku Bilowday Qufac Aad Ah Oo Xad Dhaaf Ah Iyo Qandho Aad Udaran
Maalmo Kadib Waxaa Ka Imaaday Dhiig Lakin Ah wax yar
Dhiigaas Wuxuu Soo Daataa Markii Ay Qufacdo Qufacuna Waa Joogto Doctor
Madax Xanuun Aad Ah Iyo Qandhana Wey Leedahay

Hadaba Maxaad Nagula Talinaysaan
Si Aan U Joojino Dhiigaas Qufacaasna Meesha Ooga Saarno.

Washukran
Title: Re: Su'aal: Waxaa Ku Bilowday Qufac Aad Ah?
Post by: SomaliDoc on October 22, 2016, 04:49:42 PM
Waxaa dhici karta dhiiga inuu yahay dilan bilawgiis, waa muhiim in qufaca laga daaweeyo oo la ogaado waxa keenay iyo waxa uu yahay.
Fadlan dhakhtar la xiriiri sida ugu dhakhsiyaha badan si loo ogaado qufaceeda iyo xaalada uurka uu ku sugan yahay.
Akhriso qoraal ku saabsan qufaca daran: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6726.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6726.0)
Akhriso qoraal ku saabsan dilanka iyo sida loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1083.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1083.0)