Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CAGASAXAR on October 13, 2016, 12:26:32 AM
-
Asc wll waxa kaxanuunsana lug mudo badan kadib waan roonaday lugti waxay igu noqotay caqabad kolpa igusoo kacdo lugta mudo laba sano kahor ah ayaa layga qabtay ayada oo dhan ayaa ibararty lkn marki hore hal meel oo bawdada ah ayaa layga bilabay marki danbana kala goysyada oo waliba mida misigta ugu weyn aya ixanuuno bararkana wali waa igu yara jira misigta iyo dhudhunka hoosaba marka waxan halkan kuarkay cudur sharaxad laga bixiyay oo aan uyara qaab ekahay oo ah cudurka riixada waxna kukala badalanahy marka suashaydu waxay tahay kadib waxan tagay raajo waxana joga mel dhakhtar somali fican laga helin kadib Conclusionka rajada wuxu ahaa sidan
old compression fractures of T12 and L1 is seen No disc lesion seen.
changes of monostotic fibrous Dysplasia left proximal femur is seen
Marka doctor bal wixi Allah kugaransiiyo igucawi muxu noqon kara cudurkan rajada waxay shegtay iyo riixadase maiskumidba Allaha idim barakeyo
-
Baaritaanka wuxuu sheegay in dhabarka laba laf oo ka mid ah in jab mar hore ah uu ka muuqdo, waa haddii aad hadda ka hor shil ama dhaawac kaa soo gaaray, wuxuu kaloo sheegay in carjawda u dhaxayso ricirrada dhabarka in aysan dhib qabin, midda bowdada waxay sheegtay in lafta bowdada bilawgeed ku samaysmay wax sidii seedka oo kale ah (midaan wax dhbi wayn ah ma keento), laakiin baaritaano dheeraad ah ayaad u baahan tahay si loo ogaado in aad qabtid cillad lafaha ama murqaha ah iyo tayada lafahaaga si kaalsiyamta in lagaa fiiriyo.
Isku day in aad la xiriirtid dhakhtar cudurrada guud si loo ogaado haddii ay jiraan wax kale oo keeni kara in lafahaagu sidaa noqdaan.
-
ILAAHAY haku barakeyo doctor waxan rabay inaad iikala saarto riixada inay tahay iyo inkale ogan shaheda ma baritan kale ayey usi bahanthy mise hada waa lakala garan kara mida kale doctor kheyr Alle hakusiiye xanuunkan ihayo meesha kala goyska misigta ah ee igudaran calamadaha aan iskuarkay waxa kamid ah in hadaan naxo ama ruux iga nixiyo ama meel dab ama wax aanan iskadhagayn itabto oon naxo ayadna waa idamqata sida boogta sidoo kale lugtu waa dhanka bidix lugtas badhida raacsan ayadna wey kadhuubantahay badhida kale mar mar lugta dhinac uma dhaqajin karo waa inaan tooskayga iska ahato habeenki ama xiliyada aan xanuunka isku arko ayadna lugta kaligeed dhinac uma qaadi karo waa in aan lugta kale kukaalmeyo hadan kaliged qad dhaho mesha kala goyska ah ayaa idamqan sido kale bodada weyka dhubanthy midakle sidoo kale markan xanunkan ibilabo waxa ila xanuunta guumeerka iyo ila kalida iyo dhabarka oo jeexa lugtaas raacsan ah kheyr Alle hakusiiyo doctor
-
In aad riix qabtid sidaan laguma fahmi karo, maxaayeelay dhowr cudur oo u baahan in laga shakki baxo oo u ekaan karo ayaa jira waana sababta aan kuu dhahay baaritaano kale ayaad u baahan tahay.
Fadlan akhriso qoraal an uga hadlay cudur loo yaqaano "Sciatica" oo iska fiiri astaamaha ku xusan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4611.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4611.0)