Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Suldaanjaabir on October 25, 2016, 01:26:42 AM

Title: Su'aal: Waxaa i dhibaya oradka?
Post by: Suldaanjaabir on October 25, 2016, 01:26:42 AM
ASC WR WB waxaan rabay inaan idin weydiiyo su'aal qaasa waxayna tahay waxaa idhibaya oradka oo markii aan ordo lugaha inta u dhaxaysa anqowga iyo lowga ayaa i xanuunaysa labada lugoodba  taas oo igu kalifaysa inaan ordi waayo lafaha iyo jirkuba markii aan taabto ama riixo lugaha jirkooda ama lafta  aad bay ii xanuunaan heer aad moodid inayba ijajabayaan ama danqanayaan markaan iska daayo oradka waa caadi oo aan nasto maalmo kadib waa caadi haddi aan riixo xanuun malaha



mahadsanidiin walaalkiin Cabdiraxmaan
Title: Re: Su'aal: Waxaa i dhibaya oradka?
Post by: SomaliDoc on October 27, 2016, 03:51:27 PM
Dad badan ayaa ka sheegto arintaan, laakiin waxa keeno ayaa lagu kala duwan yahay:
1- Murqo iyo seedo xanuun ayay noqon kartaa.
2- Tayada lafaha oo hooseyso ayay noqon kartaa
3- Qulqulka dhiigga ee oksajiinka wado oo murqaha ku yaraado ayay nqoon kartaa.
4- Xanuun infekshan jirka ku jiro ayay noqon kartaa sida xanuunka salmonella, brucella, ameobia iyo kuwa kale.

Waa in aad dhakhtar la xiriirtaa si loo ogaado cilaldaada.