Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Umu xafsa on October 24, 2016, 09:28:39 PM
-
Asc wallo dhakhtarka waxan waydinya waxan ahy hoyo hal cunug haysta waxnsn ku dhaly qaliin dhabrka xanun bn ka darema iyo caloshaba dhakhtrkygi ban ku noqday waxy iso siyeen kinini la dhaho zerodol oo 10 xabo ah alxamdulilh wan fcnhh hada lkn dhasha way iga xedhin mudu labo sano ah irbada gacanta ayay i galiyen hadaba irbada dhasha lagu kalo foyeya mxy dhibato ledahy qof se la qalay malaga yaba in hadhaw cadi u dhalo mudu inte leeg ba caadi loogu dhali karaa adbad u mahdsantin dhakhtiirta soomliyeed
-
Hooyada lagu qalay caruurta, waxaa fiican in uurka ay ka nasato laba sano ugu yaraan inta aysan uur kale qaadin, sababtuan waxay tahay waa intaas oo mar labaad qalliin kale u baahatid iyo in jirkaaga ka soo kabsado qalliinkii hore.
In aad caadi u dhali kartid laam sii sheego karo hadda inkastoo ay ku xiran tahay cilladdii marka hore kuu diiday dhalmada caadiga, ka akhriso halkaan waxa dhakhaatiirtu sameeyaan xaaladaada oo kale: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5532.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5532.0)
Midda ku saabsan cirbadda, waxaad booqataa link-gaan si aad u ogaatid hababka uurka looga hortago iyo hab walba waxa laga filan karo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5840.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5840.0)
-
Asc mrkle dhakhtirta somaliyed adbad u mahdsantin wann hely jawabta suashi hore jazakalh mrklr suaal. Cunug yar o laba bilod iyo badh jira naskana siiday oo an jaqin canaha gasaca bes caba aya saxaridisu tahy marksta cagaar malinti hal mar saxaroda wax xanuna ama xumada malaha dr carurta wan geyy garipe water by iso qoreen ila hada wax is badala malah fadlan maxu noqon kara cagarkasi ma xanunba mise wa iska cadi plese iga cawiya thnks dhakhtirta somaliyed
-
Hadduu cunuga qandho haynin, ooyin badan lahayn, caanaha si fiican u cabo, hurdo helo, muuqaalkiisa wax isbadal ah aadan ka arkin, waxay u badan tahay inay arintaasi ay dabiici tahay, waxba haka welwelin, caruurta yar yar waxyaabo badan ayaa midabka saxaradoodu badali karo taasoo ay ka mid tahay waxa ay hooyada cuntay haddii ay naas nuugaan.
-
Asc Dhatiirta somaliyed melksta oo ad jogtan adbn idinku mshad celinya illahy haydinka abal mariyo sidad nogu deqden waxi ad barten illahy hadin xiftiyo ....... Waxn way dinaya dr ka caruurta yaryar gar ahan wiilasha somalidu waxy tidha oohinta marmar udaa ha ooye iyago uga jeeda in ay codkoodu waynayo marku waynado marka caado dhaqmed uunba mise cafimafkuna wuu la qabaa in ay oohintu keento codka wayn ee raga ........ Tan labad miyay kala dhanar jilicsan yahin wiilsha iyo gabdhaha anoo uga jeeda in gabadha lagu fadhi babaro 4ila,6bilod halka wiilka lahu odhanyo 6, ila 7 ku fadhisi .......... Dr jawabta inshalh
-
Labada arinba waa caado dhaqameed ee maahan wax sal ku leh caafimaadka.