Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dawiil on October 28, 2016, 01:49:32 PM
-
Asc Dr waxaa xaafada ku rakiban Warshad Laamiga iyo Jaayga isku qasto waxeyna sii deysaa Qiiq badan oo madow xiliga ey dhalaalineyso Laamiga Dadka qaar ayaa ku dhawaado iney cabursamaan
marka caafimaar daro inee la eg ayaa laga qaadi karaa Qiiqaas ?
mahaboontahay in Warshadaha lagu dhax rakibo Xaafadaha?
Mahadsanid Dr
-
(http://somalidoc.com/Topics/laami.png)
Arrintaan waa halis, waana mamnuuc in laga dhiso warshad noocaas xaafad la dagan yahay, waxaana qiiqaas loo yaqaanaa "Asphalt Fume", aad ayuu halis ugu yahay caafimaadka, waxaa laga qaadaa cudurro kala duwan sida xiiqda, xasaasiyada, dheefshiid xumada, madax xanuunka iyo burunkiitada.
Wuxuuna aad ugu daran yahay dadka ka shaqeeyo, caruurta yaryar, dadka waayeelka ah, dadka difaacooda uu yar yahay iyo hooyooyinka uurka leh.
Haddii si joogto loo neefsado qiiqaas, waxay cilmibaarayaashu qaar ay sheegaan in laga dhaxli karo 4 nooc oo kansarka ka mid ah, taasoo aad loogu arko dadka ka shaqeeyo warshadahaas, waana kansar caloosha "stomach cancer", kaadiheysta "bladder cancer", sambabka "lung cancer" iyo dhiigga "leukemia".
Dadka ka shaqeeyo warshadaha laamiga sameeyo waa inay xirtaan gacmo iyo waji gashi loogu talagalay in qiiqaas ay iskaga ilaaliyaan.
Idinkane waxaa idin la gudboon in aad ka tabaabusheystaan halista warshadaas dariska aad la tihiin.
Haddii aad tihiin bulsho isku xiran ama leh guddi ka fakarayo daryeelka bulshada, waxaa habboon in aad iskala hadashaaan qolada warshadda ka dhex furatay deegaan bulshadu ay ku badan tahay.
Wixii faahfaahin dheeraad ah ee ku saabsan qiiqaan iyo cudurrada laga qaado iyo cilmibaarisyada kala duwan waxa ay ka sheegaan, waxaa lagu soo aruuriyay buug aad ka dajisan kartid halkaan: https://www.cdc.gov/niosh/docs/2001-110/pdfs/2001-110.pdf (https://www.cdc.gov/niosh/docs/2001-110/pdfs/2001-110.pdf)
Akhriso qoraal ku saabsan Biraha Isgaarsiinta iyo Caafimaadka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6893.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6893.0)
Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid, fadlan ku so gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)