Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaltuun on October 31, 2016, 11:27:43 PM
-
asc walalaha somaliyeed salaan ka dib waxaan rabaa in layga caawiyo su aashan idinkoo mahadsan dr ayaamahan dabada ayaa gudaha igacuncunysa ana farta ayaan gashaa oo ku xoqaa isla markaa aan farta galiyo wan ku raaxaystaa xoqideeda waxaan akhristay qodob aad kaga hadashay calaamadaha bawaasiirta ay ku jirtay inay qofka dabadu cuncunto marka macnaheedu ma inaan bawaasiir qabaa wax kala kuma qabo aan cuncunka ahayn balse saxadayda ayaa adag oo farta ayaan kusoo saara hadaan saxaroodana kuma arko wax dhiiga fadlan halayga caawiyo su aashaas .
aad baa umahadsantihiin wllo ilaahay miisaanka xasanaadka ha idiinku daro shaqadad uhaysaan umada somaliyed kun jeer baad mahadsantihiin.
salaamulaahi calaykum
-
Waxa ugu badan ee keeno cuncunka dabada waa xanuunka loo yaqaano "Shoqosha" ama "Idiinyada" ama "Diraha", ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4410.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4410.0.html)
Way dhici kartaa in baabasiir uu jiro, laakiin cuncun kaliya astaan uma ahan, waa inay waxyaabo kale jiraan sida dhiig saxarada lagu arko, dillaac, xanuun dabada ah, nabar ama kuus aad dareentay.
Daawo video aan ku faahfaahinay bawaasiirta:
https://www.youtube.com/watch?v=sb7sfmbJo-0 (https://www.youtube.com/watch?v=sb7sfmbJo-0)