Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saeed ali on November 05, 2016, 04:49:35 PM

Title: Su'aal: Cabasho xanuun iyo caawin raadis?
Post by: Saeed ali on November 05, 2016, 04:49:35 PM
Asc dakaatiirteena soomaaliyeed waxa aan kacabanayaa xanuun muddo 11 bilood ah ihayo dhakhaatiirtana garan waayeen marka talo ayan idiinka baahanahay hadad ii awodan marki ugu horaysay waxa la iga qabtay cunaha  muddo afar bilood ah ayaa laiga hayay barar ilaa dhegaha ixiray heer aan waxba jaleeciwaayo igaarsiiyey afarbil kadib caadi ayan iska noqday usbuuc markii aan kajoogay ayaa labada tar tar ama labada dhinac la iga helay muddo bil ah markan jogay ayaan xanuun aad udaran kadareemay dhanka bidix naaska hoostiisa ilaa iyo belly button ka dhanka bidix kadib wu idayay maalmo kadib wuxu uwareegay dhanka midig dhabar qaybta hoose lugta bidix muruqa bawdada xiniinta midig xudunta hoosteda gacmaha oo aan wax ku qaadi kari waayo ct scan chest x-ray dhiig beerka lagu eegayo colonoxcopy indoscopy intaba waan maray keliya indoscopy ga ayaa ku sheegay caloosha fungal infection iyo inay calooshayda guduudantahay oo gaas jiro daawo laba usbuuc ah ayan qatay oo infectionka iyo gaaska ah waan dhamaystay lakiin weli xaaladii sidii ayay utaagan tahay kulaylka dhabarka iga baxaya iyo caloosha iyo laabta oo saaid ii xanuunaya xudunta agteeda waxbaa iga dhaqdhaqaaqayo marka aan soconayo lugta bidix dareenka inuu kuyaryahay ayad moda xanuunka waa dull aad ayuu ii dhibay cuntadii oo dhan waan ka goay subixii marka aan hurdada kakoco kuma noqonkaro wax kulul oo aad moodo dab ayaa laiiga furayaa caloosha h pylori waa leega helay ayadan laba usbuuc ayaan qaatay daawadeeda sidoo kale feeraha labada dginac ayaa ixanuuno sidii oofta oo kale waaye hawo gadaal kasocotto oo saaid ah murqa xanuun ilaa kuwa lugaha dhabarka way garaacmaan madax xanuun saaid ah ayaan leeyahay talo iyo tusaale waa xagiina waana idin salaamayaa salaanta islaamka asalaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu
Title: Re: Su'aal: Cabasho xanuun iyo caawin raadis?
Post by: SomaliDoc on November 20, 2016, 06:44:53 PM
Marka hore Alle ha ku siiyo caafimaad, midda xigta waxaa haboonaan lahayd in waraysi, wiisito iyo baaris la isugu kaa daro, warbixinta kooban ee aad halkaan ku soo qortay waxba laguma fahmi karo, waxa kaliya ee ii muuqdo waa in xanuunkaaga qanjir barar ka bilawday kadibne jirka oo idil ku wada xanuunay, sidaas awgeed waxaa jira xanuuno badan oo loo yaqaano "multi-systemic diseases" oo qanjiro barar wata inkastoo aad tilmaantay qanjirta qoorta kaliya inay barareen oo aadan ka hadlin qanjirrada kilkisha, caloosha, saracda iyo meelo kalaba.

Marka cudurradaas in lagaa baaro ayaa haboonaan lahayd sida TB, Lymphoma, Infectious mononucleosis, Brucella, Secondary syphils, Tularemia, HIV, Toxoplasmosis iyo kuwa kalaba, intaas oo cudurba sida laguu hayo waa laguu qaban karaa, mana ahan cudurro lagu ogaan karo baaritaan raajo ama computer ee waa in si toos ah loo baaraa cudurradaas.