Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaltuun on November 06, 2016, 10:49:30 AM

Title: Su'aal: Afka ayaa i xanuuna?
Post by: Kaltuun on November 06, 2016, 10:49:30 AM
asc dhakhaatiirta soomaaliyeed isu xil saartay inay dadkooda baahi tiraan dhanka su aalaha caafimaadka ah aad baa umahadsantihiin runtii dowr muhiina ayaad ka ciyaartaan caafimaadka bulshada hadaan intaa kaga gudbo dr bishmaha ayaa ixanuunaya mudo waxana ka dareemay in midabkodi is badalay casaan noqden wax  buurbuuran oo cad cadna waa ku leeyahay waliba bishinta hoose  hadaan bisbaas cunana waa igu xanuunaan xataa caloosha laygaga dhagayaa maalinkaas aan bisbaaska cuno gaaatarikna wan qabaa marka ma lays dhihikaraa afka xanuunka waxaa keenay caloosha cilad ka jirta mise afkaba caloosha saamaynaya wa sidee xaalkaas wad mahadsantihiin in badan
Title: Re: Su'aal: Afka ayaa i xanuuna?
Post by: SomaliDoc on November 26, 2016, 10:36:06 AM
Afka iyo caloosha way isku xiran yihiin, haddii aad horay gaas u qabi jirtay oo lahaan jirtay laabjeex ama hur badan oo caloosha ka soo baxo, bushimaha way gaduudan karaan, qolfane way yeelan karaan, hadduu infekshan dhuunta ama hunguri mareenka jiro afka wuu ku soo fidi karaa, si loo ogaado cilladaada waxaad u baahan tahay in aad dhakhtar la xiriirtid.
Title: Re: Su'aal: Afka ayaa i xanuuna?
Post by: Kaltuun on November 29, 2016, 07:48:23 PM
haa dictore waa qabaa gaas waa saas aad sheegtay aad baa umahadsantahy tan labaad dr boga dhinaca bidix ayaa layga qabta markan cuntda dufanka leh shiilo sida jabista camal markaan gaajaysanhy waliba hadaan wax dhadhamiyana waa lay siidaynayaa marka gaaska ma keeni kraa sidoo kale gooryaanka gardalanbiyaha la dhaho ayaan qabay markan yaraa ma aqaano hada meel uu qabtay kolay igamaso dhicin maxaan ku garan karaa inuu wali igu jiro dr?
aad baan idiin salaamayaa walalaha soomaliyeed
Title: Re: Su'aal: Afka ayaa i xanuuna?
Post by: SomaliDoc on December 26, 2016, 10:04:09 AM
Saxarada ayaa lagaa baarayaa si loo ogaado hadduu gooryaan jiro.
Midda kale Jaarda laambiyaha maahan gooryaan soo dhaco ama isha lagu arko, waa il-ma-aragto.
Akhriso qoraal ku saabsan Jaarda Laambiyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=837.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=837.0)