Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Athnaan on November 06, 2016, 02:48:07 PM

Title: Su'aal: Uurka iyo Gaaska?
Post by: Athnaan on November 06, 2016, 02:48:07 PM
Asc bahda Somali Doctor waad mahadsantihiin waxaan ahay gabadh la socoto mar walbo talooyinkiina caafimaad ajar Allaha inka siiyo, Waxaan ahay hooyo leh uurki u horeeyay bil waxaan dhamayn oo uur ah dhaqtarad baan booqday markaan ogaaday inaan uur leeyahay waxay ii qortay daawo Vitamin ah  NURAC-HR la dhoho shan maalin markaan qaatay baa boga la iga qabtay horaana gaas uma qabi jirin walow marmar uu boga I xanuuni jiray matag baan bilaabay mudo afar bari ah xala dhiig ayaan matagay awal waan sahlanayay oo waxan is lahaa malaha waa uurka maadaama aan aqoon u lahayn uur marka doctor maxaa talo ah ood I siin kartaa maanta axad bay ahayd oo dhaqtar ma booqan karin barise waan booqan
Title: Re: Su'aal: Uurka iyo Gaaska?
Post by: SomaliDoc on November 26, 2016, 10:58:37 AM
Daawada laguu qoray waa Vitamin B12, dadka qaar waxay ku kicisaa aashitada caloosha, waxaana dhici kara in aad cuntay adigoo gaajaysan, talada ugu horayso waa in aad joojisaa daawada, kadibne dhakhtarka aad booqatid si matagga loo kontaroolo, laguuna qoro daawo Acid-ka kaa yaraynayso.