Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: AbdirashiidKJ on November 07, 2016, 11:05:49 PM
-
Waxaan qoyaan iyo dhibco dhibco kulul oo cun cun leh ka dareemaa gacmaha, dhabarka, qoorta, wajiga, bawdyaha, laabta iyo dhamaan qaybaha kale duwan ee jidhka siiba ahaan markaa aan socod bilaabo ama aan lugeeyo.
Dareen gubasho iyo kulayl oo kale ah ayaan ka dareemaa qoorta iyo dhabarka markay dhibco dhibcahani kulul sidii irbad kulul in lagaaga mudmudayo jidhka, amaa aashito kulul ku tiixaan jidhkha.
Waxa jira qoyaan aan ka dareemo jidhka markaan dharka salaaxo siiba gacmaha iyo bawdyaha , qabow iyo qoyaan sidii dharku qoyan yihiin oo kale.
Sidoo kale laydh qabow iyo hanfi kuleyl oo iga marta wajiga waan dareemaa.
Wakhti kastana maaha marmar ayaan isku arkaa inta badan mudo ilaa 4 sano ah waan dareemayey. waxaanay igu qaata inaan dareenkani iga baaba'o mudo 2-10 daqiiqo siiba ahaan markaan fadhiisto ama is dajiyo.Calaamadahaas aan sheegayaa oo dhan isku mar ayey bilowdaan oo way isku xigxigaan marna way iga wada tagaan.Markaa waxaan dhakhaatiirta somalidoc ka codsanayaa inay faah faahin iga siiyaan arinkan.
-
Inkastoo ay fiicnaan lahayd nabraha aad tilmaantay in la arko, laakiin waxay iila eg tahay cilaldaada cudurka loo yaqaano "Miliaria", ka khriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4353.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4353.0)