Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sayid on November 16, 2016, 08:03:11 PM

Title: Su'aal: Muraayadda Jaban Mobileka Indhaha Wax ma yeeshaa?
Post by: Sayid on November 16, 2016, 08:03:11 PM

Asc wr wb, halkan waxa aan ka salaamayaa dhammaan dhakhaatiirta ka hawl gala mareegtan caafimaad ee ay bulshadu mahadiyeen. Runtii waxa aad bulshadiina u haysaan hawl aad u culus oo muhiim ah, taasoo Alle iyo aadmiguba aad sharaf kaga hesheen. Caafimaadku waa nolosha xaqiiqdiina waxa i deeqday sida aad walaalihiin uga jahli tiraysaan xanuunada ay la baaxadegeyaan. Illaahay waxaan idin ka baryayaaa inuu  maalin ay maanta ka daran idinka abaal mariyo inshalaah.

Intaas ka dib waxa aan qabaa laba su'aalood oo aan rajeynayo in aad iga jahli saari doontaan, kuwaas oo ah:

1. Shaqadaydu waxa weeye ama ay ku xidhan tahay waa aaladda computer ka oo aan ku shaqeeyo. Dhib ayaa maalmahan aan ka dareemayaa xagga  aragii indhahayga,  oo waxa uu tashuush iga galayaa dadka 100 tallaabo ii jira, sidoo kale il-yarta indhayga waxa dhinacooda oo ah xagga gudaha isha ee madowga xigta   iga soo baxay wax-yar oo cad la moodo oo yara cas waana labada indhoodba, waxaanana ka dareemayaa indhaha mararka qaar indho xanuun iyo daal, taasna waxa aan ku sababeynayaa internetka oo aan isticmaalo muddo aad u dheer waayo shaqo ayaan ka hayaa taas oo ah xagga saaxafadda iyo kaydadka qoraalada. Haddaba arintaas ayaan jeclahay in laga turxaan-bixiyo talana la iga siiyo maadama aanu dhakhtar indhood ii dhaweyn.

2. Mobilka aan sito ayaan isna aad ugu istcmaalaa internetka muraayaddiisuna waa ay dillaacsan tahay waliba dhawr meelood isna dhib ma ii keeni karaa gaar ahaan xagga araga?

Wixii talo iyo tusaale aad isiisaan waan ku raynayaa waanan qaadanayaa. Alle hadiin barakeeyo dhammaantiin.
Waad Mahadsantihiin

Title: Re: Su'aal: Muraayadda Jaban Mobileka Indhaha Wax ma yeeshaa?
Post by: SomaliDoc on December 07, 2016, 10:42:40 AM
Midda ku saabsan eegista shaashadaha muddada dheer waxay culeys saaraan aragga, cilladuna waa ilaysa ka soo baxaya oo aysan indhaha muddo dheer u adkaysan karin, cilladaas waxaa loo yaqaanaa "Computer Vision Syndrome", akhriso qoraal ku saabsan.

Midda ku saabsan mobeelka ka jaban shaashadda wax dhib jabitaankiisa keeni mayo illaa in qoraalka ama sawirrada ka muuqdo ay isku darmeen ama waadix ahayn oo indhaha culeys saarayaan mooyee, laakiin iftiinka mobeelka indhaha wuu kaa dhibi karaa haddii si xariiri ah u daawatid adigoo aan ka jeesan.