Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Xogdoon440 on November 18, 2016, 07:35:02 AM
-
Asc Diktoore marka hore salaan diiran diktorada ku hawlan in ay bulshada cawiyaan una qanciyaan suaalohada sida ugu macquulsan
Marka Xigta, Diktoore Waxaan ka cabanayaa madax wareer ba,an oo dhinaca basada sarre ee madaxa iyo mariyada oo aad ii xanuunaya
Calaamadaha Aan isku arko
mashquul badan iyo feker badan iyo maq maqnaansho, dawakhaad aan caadi ahayn, baqdin xaga bulshada ah ayaan darema mar mar
cabsi badan ayaa ila soo darista markaan meelaha dadku ku badan yihiin joogo, iyo shaki fara badan kalsooni darro, hadalka ayaa igu dhaga
mar mar codkayga naaqus ayuu noqdaa,
xanuunkan waxa uu i hayay imaka muddo dhan labbo sanno
hasa yeeshe waxa jirtay intaa u dhaxeysay in aan diktoor xaga neerfaha ah u tagay neurologist
waxa uu sii qooray dawooyin kadib markii aan us heegay calamadahayga ay ka mid yihiin Resperidone oo aan bil qadanayay
dawakhaad fara badan iyo damanka oo i adkada iyo af qalayl ayaan isku arkay intii aan qadanayay dawoyinka ka bacdi diktorki ku noqday
inkastoo aan cafimad yar yara daremay haddana waxa iga xoog badatay sideeffectska ka dib markii an ku noqday diktoorkii waxa dhacday
in uu igu so badalay Olizapine oo iyana aan habeenki kaliya liqi jiray muddo 20 cisho ah
diktoore ka dib markii an dhamaystay dawadii muddo dhawr bilood ka bacdi xanuunkii wuu sii siyaaday
ha u darnaato markaan balwad aan leeyahay ayaa jirta oo qaadka ah markaan cunno qaadka Aad ayaan u xanuusada
inkastoo markarka kale dawakhad iyo hurdo la,aan aan isku arko
diktoor waxan muddo ka bacdi u tagay dhakhtar kale oo neurologist ah
ka bacdi CT-scan ayuu ii diray ka dib wax nabara waa iga waayay oo madaxa ah
intaa ka dib markii an u sheegay calamadahayga wuxuu ii qoray dawooyin
ay ka mid yihin NEPROXIN, IYO GABABENTIN BROWN IYO AMITRIPYTLINE IYO SEFAL
oo laba bilod ii socda hadda muddo bill ah ayan qadanayaa hurddo waan helaa lakin madax xanuunki iyo margiyadii wax is badal ah ma hayo
dr waxaan idinka codsanyaa waxaad igula talin lahayden nolashaydii cidhiidhi ayay gashay is badal badan ayaan dareemayaa
ha iigu darnaado Fear ama baqdin fara badan iyo wareer
Aad baad u mahadsan tihiin
-
Sida ka muuqato cabashadaada, cilladaadu waa dhinaca dhimirka, dhakhtarka aad u baahan tahayne waa "Psychiatrist", daawooyinka uu kuu qoray dhakhtarka horane waa "Antipsychotic" waadna ku caafimaaday sida aad tilmaantay, laakiin qaadka ma joojisay mise weli waad isticmaashaa? Goormaa kuugu dambaysay? Illaa goormaa isticmaalaysay?.
Haddii aad weli isticmaashid qaadka, fadlan si dhakhso ah ku jooji daawooyinka aad qaadatid iyo qaadka waa la kala ilaaliyaa oo waad sii darsanaysaa haddii aad isla qaadatid, lana xiriir dhakhtar xagga dhimirka ku takhassusay isagaa kaa caawin doono insha'llah.
-
Asc Diktoore waad mahadsan tahay, jawaabtada aad bad u mahadsan tahay
diktore waxaan isticmaalayay qaadka muddo aad u badan anigoo yar ayan bilaabay da,adayda ahayd 17 jir wakhti aan dhiganayay dugsiga hoose/dhexe
ilaa secondary levelkaygii waan waday ilaa wakhtigii jamacada ila hadda oo aan 26 jir ahay waan cunaa
waa run diktoore dawoyinka hore markii lay soo qorayay ee respidone iyo olizapine diktorka wuu iga digay in aan qaad cuno hadii kale bogsan maysid ayuu igu yidhi haddana, dhalinyaranimo uun ba i qaday anoo dawooyinka wada ayaa mar mar cuni jiray, waxan dareemi jiray xanuun aaadu daran runtii Argagax, madaxa aad i wareeri jiray iyo hunqaaco. hadana markaan sexdo iska cadi ayan noqon jiray
diktore dawoyinka marka cunayay siiba tan hore respidone subaxii iyo habenkii ayan 4mg cuni jiray ka bacdi subax maba awodi kari jirin in aan suuq u baxo wayo madaxa ayaa aad i xanuni jiray markan liqo dawada wadnahana aad ayuu i garaci jiray waxa dhici jirtay xitaa mar mar ayan sigar cabi jiray subaxii in qoorta i qalocsanto oo dhinaca kale iga jeesato, ka bacdi oday adeerkay ah oo dawoyinka kala yaqanay aya wuxu i siin jiray daawo la yidhah Artane markaan liqo aya qoorta caadi i noqon jirtay.
dawoyinka marki aan dhamaystay ka bacdi malmo caadi iska aha ka bacdi qaadka ayan iska cuni jiray, markaan qaadka cuno gabigaygba waxa igu bilaabma argagax, baqdin badan xita mar mar an gadho in an guriga ka soo bixi kari wayo, dadka ka baqayo
xitaa indhaha aanan siin karayn qofka oo ka baqayo, fahan la,aan, cadho badan dad iska shekaysanaya modayaa in ay aniga ii dan leyihin dawakhaad isku buuq, jarayn jirka oo dhana ah.
Arimahaas markan arkay aad ban u murugoday wxaban modi jiray in aan soo walanayo
hadana watan dhakhtarka kale aan u tagay, hadana qaadka waan ku dhex cuni jiray isago diktorku igu yidhi qaadka iska ilaali aad ban u xanusan jiray waliba hurdada maan heli jirin markan qaylo malintaas oo dhan wan soo jedi jiray casarkii ayan dhici jiray markan aad u daalo in badan soo jeedo
diktoore hada oo dawoyinkii iyagana dhamaystay xanuunki waxaan dareemayaa in uu igu yara sii siyaday oo calamado kale oo dherad ah igu soo baxen, ha udarnaato markaan qaadka cuno inta kale iska yara cadi ban ahay ma badna inkasto margiyada iyo culeys badan aan dareemo iyo madaxa oo dhinaca dhexe oo aad kuleyl iiga baxo qoorta oo xogaha giigsanta hadna markaan maalmo caadi u seexdo aanan qaylin iska yara caadi ban ahay, lakin markaan qaad cuno khaakhayirad iyo murugo iyo culeys saaida ayan dareema oo si khaldan aan u fakero awal intii aanan xanunkan isku arkin ma lahan jirin waxan hadan qaylo iyo hadii kaleba markaas waa in aan maalin dhan hurda markaasan caadi soo yar noqonayaa
imaka waban iska rajo dhigay xanuunka markan fahmi wayay si ale u daa ayan idhi haddana markan websitekan arkay ayan idhi waa intaas oo aad talo ka heshaa la xidhiidh
diktoore runtii waa cuna ila hada dawadina waa iga dhamatay bishii 10aad ayan dhameyay ee sanadkn 2016
diktoore waxan ahay wiil hadda uun indhahii u furmay oo jamacadii iyo waxbarashadisi soo dhamaystay imakana xilgii aan isl laha shaqo tag oo mustaqbalka dhis Amarka ilahay xanuunkan aya ila soo darsay niyadjab aad ubadan ayan dareemayaa iyo walaac
ma u malaynaysaa diktoore in psychiatrist i cawin karro?
aad bad u mahadsan tahay aad ban kuugu mahadnaqayaa taladada iyo caawinta aad i soo jidinayso.....
-
Adigaa iscaawin kara oo caafimaadkaaga gacanta ku hayo, daawo dhakhtar kuu qoray xal kuu noqon mayso haddii aadan go'aan kama dambays ah ka qaadan jaadka/qaatka.
Qaatku wuxuu saameeyaa maskaxda, wuxuuna ku reebaa cudurro dhimirka ah sida diiqada, waallida iyo isku-dhex yaaca.
Nin dhalinyaro ah oo wax bartay baa tahay, mustaqbalkaaga badbaadso, haddii aadan iska fakarin qof kaa fakarayo ma lahan.
Alle bari adiguna dadaal la imaw, haddii aadan isu talin karin, qof waalid ah la tasho oo aad isleedahay wuu kaa caawin karaa ka go'ista maandooriyahaan.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
-
Diktoore aad bad u mahadsan tahay, taladaada wanagsan
waan ogahay xanuunka kaliya, ama markaan xanusado waa markaan qaad cuno hadana ma dayn karo, lakiin waxaan go,aan cad ka qaadanayaa in aan ka takhaluuso balwada insha allah,
waad ku mahadsan tahay talada diktoore alla if iyo aakhiraba ha ku gargaaro