Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mohmansuur on November 18, 2016, 03:39:12 PM
-
asc DR,
salaan kadib waxa aan ahay wiil ka cabanaya madaxa waxa aan ahaa wax timo badan mudo 3 sano ka hor ah waxa ilaso daristay dhiibato igaga dhacaday timaha waliba timaha kaso saaraysa gunta(xididka)hoose waxa aan arakaya timaha oo gacnatyada ka buuxa waliba ayago oo leh xidiidki cada oo ay hoosta kaso baxayan, madaxa waxa aan ku arakay wax aad moodo sida toxobta oo kale ah waana wax cad oo aad moodo cryslinka sidiisa oo kale marka aan qooyo, marka madaxu qalalanyahayana waa wax aad moodo qolof oo kale, waxa aan la xidhiidhay laba dhakhtar oo dermatologisti ah, waxa ay isiiyeen dawo waxa ayna igu dhehen waa xanuun waxaana keena fungal,
waxaa la yidhahada sclap seboheroic dermatatis dawadiina waxba ima tarin maraka waxa aan u banahay in aad iga jaahil tirtaan arintaas mahadsanidin,
mohamed
-
Waxaad u baahan tahay in basada laga qaado unguyada si baaritaan loogu sameeyo hadduu fungal yahay ama wax kale yahay si loo hubiyo, haddii baaritaankaas la sameeyay oo la xaqiijiyay inuu fungal yahay waxaa dhici karta in daawada aysan ka awood badnayn ee la xiriir isla dhakhtarkii xaaladaada la socday.
Akhriso waxyaabaha keeno in timaha daataan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5726.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5726.0)