Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on November 18, 2016, 09:58:39 PM

Title: Su'aal: Wiilasha iyo gabdhaha ma isku maskax baa?
Post by: CilmiSabca on November 18, 2016, 09:58:39 PM
Asc Doctor?
Caruurta marka ay dhashaan wiilasha iyo gabdhaha, ma isku maskax baa, ma kala weyn yihiin maskaxdooda, ma isku mid baa qaab dhismeedkooda?
Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Wiilasha iyo gabdhaha ma isku maskax baa?
Post by: SomaliDoc on December 12, 2016, 02:23:51 PM
(http://somalidoc.com/Topics/farqi.png)

Bismillah,

Ma ahan wax qarsoon in qaab dhismeedka, korriimada iyo shaqada qeybaha kala duwan ee jirka ay ku kala duwan yihiin wiilasha iyo gabdhaha.

Tusaale ahaan maskaxda waa meelaha ay ku kala duwan yihiin wiilasha iyo gabdhaha markii dhinac walba laga fiiriyo waxaan halkaan ku xusi doona dhowr farqi oo tusaalooyinkooda wato:

Qaab Adeegsiga Maskaxda:

Qaab Howlgalka Maskaxda:

Qaab Dhismeedka Maskaxda:

Qaabka Nafaqeynta Maskaxda:

Taasi waa sharaxaad kooban oo na dareen siinayso farqiga u dhaxeeyo maskaxda wiilasha iyo gabdhaha, sababtoo ah mawduucaan waa mid aad u ballaaran, illaa iyo hadda waxaa la ogyahay in ka badan 100 farqi oo u dhaxeeyo maskaxda wiilasha iyo gabdhaha taasoo badanaa ka tarjumayso kala duwanaanshaha wiilasha iyo gabdhaha dhinac walba saas ay tahayne waa cilmi aan fari ka qodnayn. Marka dadka aaminsan in haweenka ay wax ma garato yihiin ama ay ka maskax yar yihiin ragga taasi sax ma ahan sababtoo ah haween badan ayaa rag badan ka caqli badan kana diin fiican, laakiin siduu rasuulkeena suuban noo sheegay haweenta iyo ragga isku marqaati furis maahan waana macnaha xadiithka rasuulka. Alle qofba qaab ayuu u abuuray mana la is barbar dhigi karo.
Waa mawduuc aad u xiiso badan oo aad ka baranaysid awoodda alle iyo sida uu u kala badalay abuurista ragga iyo dumarka taasoo mid walba siinayso awood u gaar ah oo uu kaga fiican yahay kan kale ama kaga habboon yahay meelaha qaar, waxaad kaloo ka baranaysaa qaabka aad caruurtaada ula dhaqmi kartid, qaabka aad wax u bari kartid, una kobcin kartid maskaxdooda.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay, ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Wiilasha iyo gabdhaha ma isku maskax baa?
Post by: CilmiSabca on December 18, 2016, 10:13:46 AM
Mahadsanid Dr.