Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulahiyare08 on November 21, 2016, 08:54:54 PM

Title: Su'aal: Pearly penile papules?
Post by: Abdulahiyare08 on November 21, 2016, 08:54:54 PM
Bismillah marka hore waa ku salamay Dr su.aasha qabo waxaa waaye "pearly  penile papules", oo ah finan ka soo baxo xubinta taranka, su.aashan bagekan waan ku arkay balsa wey igu adkaatay inaa aqriyo faafaahinta aad ka bixisay marka ku dhufto waxuu leeyahay ma arki kartid su.aal qof kale marka waxaa jeclaan lahaa warbixinta pearly penile papules wax uu ka dhasho waxa looga hortagi karo iyo dawooyinka loo qaato aad ayaa kaaga mahad celinaya waqtikaaga qaaliga ah

Wax xiriir ahne lama lahan kacsiga badan.
Title: Re: Su'aal: Pearly penile papules?
Post by: SomaliDoc on December 15, 2016, 10:10:27 AM
Pearly penile papules waa finan ka soo baxa xubinta taranka, xiriir aanan la lahayn cudurrada galmada lagu kala qaado, mana ahan wax caabuq ama infekshan ka dhasho, mana la kala qaado, mana ahan wax adiga kuu gooni ah, boqolkiiba 20% ayay ragga isku arkaan, waxayna ku badan tahay ragga aan gudnayn, da'doodane u dhaxeyso 20 illaa 30 sano. mana ahan wax ka hortag ama daaweyn toona u baahan.