Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Farxiya xuseen on November 21, 2016, 08:06:14 PM
-
Asc dhakhaatiirta sharafta leh waxaan wataa hal suaal walaalayaal 2010 waxa aan iska bixiyey gaws dambeedka hoose ee dhinaca midig isla markii aan saaray xanuun kale ayaa daf i yidhi meel walba waan ula cararay ugu dambayntii dhakhaatiirtu waxa ay yidhaahdeen xanuunkaaga waxa la yidhaa (TRIGEMINAL NEUVRAL) kiniin Tegretol la yidhaana waa la ii qoray oo ay igu yidhaahdeen waligaa waad wadaysaa ilaa maalintaa iyo ilaa iminkana waan wadaa xanuunkiina ma tagin hal maalin hadii aan cuni waayana dhinacoo dhan inta isha ka hoosaysa ilaa daanka ayaa i gariiraya. Wabkana dadka aad ugu xidhan ayaan ahay wali qof ka hadlaya xanuunkaygaana ma arag.hadaba xanuunkani ma mid aniga igu kali ahnaa . Ma yahay mid laga bogsan karo dawooyinkaa aan muddada intaa leeg isticmaalayaan wax dhibaato caafimaad ah ma ii keeni karaan Jawaab dhkhso ah ayaan idinka rajaynaya insha allah waayo warwarkiisii baa i dilay xanuunkan oo ah mid daran wabillaahi tawfiiq
-
Allaha kaa qaado xanuunka, Trigeminal Neuralgia waa xanuun aad u dhib badan, waxyaabaha uu ka dhasho waxaa ka mid ah siibista qaldan ee gows dambeedka ama si kadis ah oo dhaawac u gaaro neefahaas xilliga gows dambeedka la bixinayo, daawada aad qaadatid waxay ka mid tahay daawooyinka loo qaato laakiin hadduu xanuunka sidaadoo kale joogtu u noqdo, neerfaha ayaa la duraa ama qalliin lagu sameeyaa si xanuunka u joojiyo waxaa loo yaqaanaa farsamadaan "Nerve block"
Waxyaabaha sida dabiiciga aad kula tacaali kartid waxaa ka mid isticmaalka saliid xabad sowdada oo aad mariso inta aad xanuunka ka dareemaysid oo idil iyo adigoo joogteeyo isticmaalka cabitaanka shaah lagu daray dhago-yaraha in aad ku caafimaado ayaa dhici karta, wixii isbadal ah oo aad kala kulantid nala soo socodsii insha'llah.