Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Saxaaf120 on November 23, 2016, 09:47:06 PM

Title: Su'aal: Goor dhaw ayaan guursaday?
Post by: Saxaaf120 on November 23, 2016, 09:47:06 PM
asc dhamaan dhaqaatiirta iyo asxaabta kale waxaa rabaa in aad iga jaahil bixisaan arin aniga i heysata taas oo ah
goor dhaw ayaan guursada waxaana la aqal galay gabar 17 sano jirto,lakiin mida iheysataa waxay tahay habeenkii ugu horeeysay
aniga oo aan wax dhib ah aanan ka marin ayaan sheeko boganay[ugalmooday] arintaan walaac badan ayee igu abuurtay markaan
weydiiyay arintaaan ayee iigu jawaabta dhaar iyo in ay waligeed cid kale la kulmin .marka dhaqaatiirey malaga yaabaa in gabar
bikro la'aan ah ay jirto maxaase arintaan xalkeeda ah?!!!!! thanks dhamaan
Title: Re: Su'aal: Goor dhaw ayaan guursaday?
Post by: SomaliDoc on December 16, 2016, 08:24:27 PM
Way dhacdaa in lala kulmo xaalado sidaan oo kale, taasoo shakki iyo waswaas kala soo dhex galiso lamaanaha isku cusub, maxaayeelay rag badan ayaa aaminsan in hadduusan gabadha dhib ka marin ama ka qeylisiin inaysan bikro ahayn taasina waa arrin aan sax ahayn.

Sababtoo ah xuubka bikrada haweenka waa kala nuuc, qaar baa ilaahay uusan ku abuurin, qaarne aad ayuu khafiif u yahay oo lama dareemo markaad haweentaada u tagaysid, qaarne duleello ayuu leeyahay, qaarne sidii bil nuskeed oo kale ayuu u samaysan yahay oo dhinac ayuu ka banaan yahay, qaarne wuuba duleelaa iyadoo aysan gabadha horay qof ula kulmin, mararka qaarne xuubka si kadis ah ayuu ku baab'i karaa sida waxyaabaha qaarkood oo xilliga caadada la isticmaalo.

Midda kale, ragga qaarkiis waxay aaminsan yihiin in hadduusan dhiig arkin in aysan gabadha bikro ahayn, taasina waa arrin kale oo aan jirin, haween walba laguma arko dhiiggaas, midda kale sababta ugu badan ee ragga u dhibaatoodaan habeenka aqal galka waa tolmada gudniinka oo mararka qaar u baahato in isbitaalka la aado si qalliin loo sameeyo ee ma ahan in dhibka ay tahay xuubka bikrada.

Intaa ka dib waxaan kugu la talin lahaa in aad shakkiga iska saartid sababtoo haddii waqtigaan shakki ku galo, nolol fiican idin ma dhex mari doonto adiga iyo saaxiibtaa, waxaana dhici karta in aad dulminaysid oo aad ka gar daran tahay, haddiise ay horay wax u soo samaysay oo ay been sheegayso khiyaanadaas mar uun way ka soo bixi doontaa ee adiga shakki darteed go'aan aadan ka fiirsan ha qaadanin.