Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi21 on November 24, 2016, 03:33:48 AM

Title: Su'aal: Waxaan ka baqayay wadna istaag?
Post by: Abdi21 on November 24, 2016, 03:33:48 AM
Asc doctor waxa la iila cararay iabitaalka gargaarka deg deg ah wareer ayaan dareemay iyo wax aan weligeey arkin cabsi ayaana igashay waxana wacday umbulance waxan ka baqayay wadna istaag baaritaano badan oo lagu sameeyay wadnaha ah xaansho lagu duubo shaqada wadnaha waa ok ayaa la dhahay dhiigag badan waxba lama aragno xitaa dhiig xidid qaad ah laga qaado oo cirbada lagu raadinaa gacanta calaacasha gadaasheeda oo la iigu sheegay inuu yahay dhiig la arki ogyahay wax walba oo jira  raajito sidoo kale hase ahaatee 4 asbuuc waxan ka sheeganayay xabadka xanuun naaska bidix kasoo soke feeraha dhaxdooda udhow aad moodo nabar inuu yahay iyo maaso in lagu qabanayo hada markan neefsanayo neef dheer qaadanayo xanuun nabar oo kale ah ayan ka dareemaa feeraha hada waa dhankii kale waxana la soo dhahay waxba kaama aragno weli shaki ayaa igu  jira garaaca wadnaha anoo nastay hurdo kasoo kacay  waa 100 dhiiga sare 137 hoosena waa 89 dhaqtarka wuxuu dhahay wax saas u weeyn ma ahan doctor  baaritaan wadnaha intaas kabadan ma jiraa maxayse tahay garaaca wadnaha 100 ka garacaa daawo neef iyo gastarick ayaa la isoo siiyay oo neefta ineey tahay ayaa laga yaabaa ayey dhaheen garaca wadnahana waxa keenaa xanuunka jira mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Waxaan ka baqayay wadna istaag?
Post by: SomaliDoc on December 16, 2016, 08:30:14 PM
Haddii cillad wadne uu jiro horaa laga arki lahaa sababtoo ah baaritaannada waa isku wada mid meeshaad joogtidba, midda kale dhulka aad ku nooshahay iyagaaba aad uga baqa xanuunkaas oo dhiigaga lagaa qaaday iyo xaashida wadnaha ka warbixisay intaba waa laga fahmi lahaa, laakiin xanuuno sidaas oo kale kuu qaban kara ayaa jira oo ay ka mid tahay gaastirikada nooca bakteeriyada, welwelka iyo cillada argagaxa ee "Panic Attack", qofka wuxuu dareemayaa inta aad dareentay oo idil, haddii wadnaha la baarane wax dhib ah lama kulmo, mararka qaar xittaa gacanta bidix ayaa qofka la xanuunto, neefsashada ayaa dhib ku noqoto.

Wadna garaaca labadaas cilladba way keenaan, cabsida, welwelka iyo gaastirikada intaba way siyaadiyaan wadne garaaca, fadlan daawooyinka dhakhtarka qaado, talooyinkiisana raac, quraan iyo duco akhriso si cabsida iyo naqaskaba kaaga tagaan.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.