Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Salmaan Yare on November 27, 2016, 09:25:56 AM

Title: Su'aal: Waxaan rabaa inan guursado?
Post by: Salmaan Yare on November 27, 2016, 09:25:56 AM
Asc waraxma tulaahi wabarakaatu
Aad iyo aad baan ku saalamay dhakhtar

Waxa ihaysta hal mashaakil oon marwalba aad uga war waro

Waxaan rabaa inan guursado haduu allah ogo laado
balse caqabada ihaysaa waxa weeyi
ani waan dareen badanahy
lkn biyahaa dag dag iga imanaya

Awal kii hore caadi baan ahaaa
waxa ii keenayana
waxa weeyi
waxan maskaxda gashan jiray
anigoo jimaac samayni markaan seexan rabo
kadib waan biyo bixi jiray
muda say usocoty caaday iga noqotay

Ilaa aan ka dhaxlay
inaan il bidhiqsi ku biyo baxo

Waxan iska aaminay inany nafsi ahayn lkn
xanuun ay tahay sababna aan u ahaaa

Talo iyo dawo ayaan u baahanahy

Allah hakugu baaliyo janooyin kiisa
qofka kurbo ka fayda qof wlkii ah
allahna waxuu ka faydaa kurbada aakhrro

Aad baan idiin salaamayaa asc
Title: Re: Su'aal: Waxaan rabaa inan guursado?
Post by: SomaliDoc on December 19, 2016, 10:05:51 PM
Marka hore Ilaahay ha ku siiyo caafimaad buuxa.

Dadku isku dareen ma ahan, way kala nugul yihiin, waana sida aad tilmaantay waxaad caadaysatay in aad khiyaalsato ama suuraysato wax kugu caawinaya in aad biyo baxdid, waadna qabatintay.

Dareenka qofka waxaa looga taliyaa maskaxdiisa, haddii aad ka cabsi qabtid in biyo baxaaga uu degdeg noqdo markaad guursatid maadaama hadda adigoo wax suuraystay kaliya aad ku biyo baxaysid, waa arrin dhici karto laakiin taasi laftirkeeda waxaad ku xakamayn kartaa isla suuraysashadaas ama khiyaalkaas.

Haddii aad wax kale suuraysatid ama is maqnaysiisid, waa laga yaabaa in howshaada ay kuu daahdo, maadaama dareenkaaga iyo maskaxdaada xiriirka ka dhaxeeyo uu xoogan yahay.
Waxaa kaloo dhici kara in markaad guursatid ay xaaladaadu isbadasho sida dadka qaar lagu arko, maadaama suuraysashada iyo dhabta ay kala duwan tahay, waxa aad arkayso iyo waxa aad dareemayso way ka duwan tahay markaad maskaxdaada waxay rabto sawiranayso.

Sidaas awgeed xalkaagu wuxuu ku jiraa in maskaxdaada aad dib u saxdid oo aad joojisid ka fakarka waxyaabahaas ku soo dadajin kara, iskuna daydid in aad ismashquulisid ama ismaqnaysiisid markaad howl ku guda jirtid haddii aad ka cabsanaysid inaad soo dagdagtid.

Haddii intaa ay wax ka tari wayso, waa in aad la xiriirtid dhakhtarka, waxaa jiro waxyaabo kugu caawin kara in aad daahdid.
Akhriso qoraal ku saabsan mawduucaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2121.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2121.0)

Waxaan kaloo kugula talin lahaa haddii aad daawan jirtay filimaanta xunxun in aad ka towbad keentid oo dhibkii aad ka dhaxashayne Alle kaa qaado, sababtoo ah dhibaatooyin badan ayay maskaxda bini'aadanka u geystaan akhriso qoraal ku saabsan mawduuca filimaanta jinsiga: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7635.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7635.0.html)