Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Wiilsoomaali on November 28, 2016, 11:23:49 AM
-
Asc indha habaynka waxaan ku daweeyaa
Mahadsanid
-
(http://somalidoc.com/Topics/habeenisow.png)
Habeenisow ama indha-habeeniso waxaa loo yaqaanaa markii qofka uusan habeenkii safiican wax u arki karin, ma ahan cudur gooni u taaga laakiin wuxuu astaan u yahay cudurro dhowr ah oo saameeyo aragga qofka.
Maxaa keeno Habeenisowga?
Indha-habeenisowga waxaa keeno 5 cilladood oo kala ah:
- Dhawaan Arag (Myopia): qofkaan wuxuu awoodaa inuu arko walaxaha u dhaw kaliya, waxyaabaha fogfog waxay ugu muuqdaan wax mugdi ama ceeryaamo ka sokeeyaan. Akhriso qoraal kuu faahfaahin doona cilladaha aragga iyo noocyada ay u kala baxaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=962.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=962.0)
- Bakooro (Glaucoma): waa cudur indhaha ku dhaco oo keeni kara lumista aragga, dhibkane wuxuu ka dhashaa cadaadiska indhaha oo kordha, akhriso qoraal kuu faahfaahin doona: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1410.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1410.0)
- Caadka Indhaha (Cataract): waa cudur keeno caad fuula bikaacda isha, taasoo qofka wax la arki waayo, waxaa keeno cudurro dhowr ah, fadlan akhriso qoraal ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1149.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1149.0)
- Midabka Madaw ee Shabakadda Isha (Retinitis Pigmentosa): Waa cudur dhaxal ku yimaado, waana habeenisow lagu dhasho wuxuuna keenaa in shabakadda isha ay madoobaato kadibne ay baaba'do.
- Yaraanshaha Vitamin A: fitamiinka A oo hoo u dhaca wuxuu keenaa habeenisowga, waxaana badanaa cilladaan lagu arkaa caruurta nafaqo darrada ku dhacdo, daawadiisu waa in fitamiinka A la siiyaa qofka. Akhriso qoraal ku saabsan fitamiinnada noocyadooda kala duwan iyo sida lagu heli karo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5781.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5781.0)
Sidee loo daaweeyaa cilladda habeenisowga?
Daawadu waxay ku xiran tahay cilladda waxa keenay, waa in la kala ogaadaa 4-ta sababood ee kore kee ayuu qofka qabaa si loola tacaalo, daawadu waxay isugu jiri kartaa muraayado laguu qoro hadduu araggaaga uu gaaban yahay, daawo haddii aad bakooro qabtid ama qalliin haddii caad indhaha uu kaa saaran yahay.
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)