Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Afdhurde on December 01, 2016, 10:32:10 AM

Title: Su'aal: Hanada/cambaarta qofka ku raagtay?
Post by: Afdhurde on December 01, 2016, 10:32:10 AM
asalama calaykum marka hore ilaahay ha idinka ajar siiyo hawsha aad bulshada uhaysaan.

salaan kadib walaalayaal suayshaydu waxay tahay,

Aniga oo yar oo 10 jir ah baa waxaa igu dhacay cambaar kadibna wey igu raagtay oo la igama daaweyn,  kadib cambaartii madaxayga sixun bey u halaakaysay heer uu madaxayga isu badalay malax iyo dhiig, ilaahay mahadii mudo sanado ah kadib sanco soomaali baa la igu daweeyey laakiin haarihii iyo dhaawac yadii ay madaxayga uga tagtay baa wali kamuuqda oo timihii sifiican iiguma soo bixin ilaa iyo hada anoo jira 27 sano, marka suaashu waxay tahay  timihii dib maloo soo celin karaa  walaalayaal .


mahadsanidin

Title: Re: Su'aal: Hanada/cambaarta qofka ku raagtay?
Post by: SomaliDoc on December 28, 2016, 07:31:29 PM
Haddiii cambaarta ay naafeysay unugyada tinta, way adag tahay in dib u soo baxaan, laakiin haddii unugga uu fiyow yahay, tinta way soo bixi doontaa, akhriso qoraal ku saabsan cambaarta madaxa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1682.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1682.0)