Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hibaq11 on December 04, 2016, 12:43:53 AM

Title: Su'aal: Xudunta ama buufka kuusan?
Post by: Hibaq11 on December 04, 2016, 12:43:53 AM
Xudunta ama buufka kuusan ee ilmaha yar yar maxa keeno dhib miyey keenta cafimadka ilmaha wax miyey udhimeysa waxa jirta canug yar oo walalkey dhalay oo xudunta ka kuusan wax dhib ahna kuma qabto wiilka kayarna wuu ka kuusan yahay ma cudur ba mise waa farac ama udhalasho mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Xudunta ama buufka kuusan?
Post by: SomaliDoc on December 29, 2016, 07:22:18 PM
Meesha xudunta ku aadan oo soo buurato waxay ku timaadaa murqaha caloosha oo ka dabcay meesha xudunta ku aadan waxa soo kuusan waa mindhicirradii oo soo cadaadiyay meesha jilicsan, ilmaha badankood way ka baaba'daa markii ay waynaadaan oo murqahooda adkaadaan, waxyaabaha keeno waxaa ka mid ah, qufaca badan, calool majiirka, saxaro adeegga, culeys qaadista, ooyinta badan iyo wax kasto oo cadaadiska caloosha siyaadiyo, waxaa lagu tiriyaa cilladaa eernooyinka mid ka mid ah waxaana loo yaqaanaa "Umblical Hernia", aqoon u yeelo waxa Eerno laga wado: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6097.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6097.0)