Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mr Mahamed on December 04, 2016, 08:44:53 PM

Title: Su'aal: Qanjirrada soo kuusto?
Post by: Mr Mahamed on December 04, 2016, 08:44:53 PM
Asc maxaa sababa qanjirada mararka qaar ka sookuusada kilkisha ama shiirtada hadana kaligooda baa ba a
Title: Re: Su'aal: Qanjirrada soo kuusto?
Post by: SomaliDoc on December 31, 2016, 08:54:58 PM
Qanjirrada waxay ka qeyb qaataan difaaca jirka, haddii cillad ay jirto ka agdhaw qanjirkaas wuu bararaa tusaale, sida infekshan ku dhaca gacanta ama naaska, wuu la bararaa qanjirka kilkisha, haddii qanjirka laftirkiisa jirrado sida tiibishada ku dhacdo qanjirrada ama kansarka ku dhaco qanjirrada wuu la bararaa.

Qanjirka oo barara oo hadane dama wuxuu noqon karaa infekshan jirka uu ka takhallusay, laakiin hadduu joogto noqdo bararka waa in aad dhakhtar la xiriirtaa si dheecana ama cad looga qaado qanjirkaas loona baaro.