Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Agg1996 on December 12, 2016, 05:33:24 PM

Title: Su'aal: Waxaa i xanuunaya muruqa lugta?
Post by: Agg1996 on December 12, 2016, 05:33:24 PM
Marka hore waxaan idin ku salaamay salaanta Islaamka ah. Marka xigta walaalayaal waxaa jira yar walaalkey ah oo ka cabanaya muruqa u dhaxeeya sinta iyo jilibka ee lugta bidix, Xiliga uu dheelayo kubadda waxaa muruqaas koraya culeys aad u weyn, wuxuu dareemaa daal iyo tabir dhigid uu san horey u qabin. Sidoo kale waxaa jirta kabaabyo iyo xanuun marmarka qaarkii. wuxuu dareemaa arinkaan xiliyadda uu dheelaayo kubadda cagta iyo marka uu ku guda jiro socodka '' Lugeynta''. Ninkaan waa dhalinyaro da'diisuna tahay 27/28 jir.

Waad salaamantihiin asxaabta dhaqaatiirta soomaaliyeed, waxaan alle idin kaga baryayaa in uu idinka dhowro ilaacadda iyo kuwa xasadka uu saaxiibka ah.

Mahad sannidiin.
Title: Re: Su'aal: Waxaa i xanuunaya muruqa lugta?
Post by: SomaliDoc on January 25, 2017, 07:23:23 PM
Waxaan kula talin lahaa walaalkaa inuu dhakhtar la xiriiro si muruqa bowdada looga saaro Kumbuyuutar, waxaa dhici karta in seedaha muruqa uu dhaawac ka gaaray ama cillad neerfo oo bowdada inuu jiro. Waa la wiisiteyn doonaa lugta muruqeeda iyo xididadeeda kadibna baaritaano ayaa loo diri doonaa insha'llah.