Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mr Mahamed on December 23, 2016, 04:49:48 PM

Title: Su'aal: Haddaan dhuuso anigoo ii kacsan yahay?
Post by: Mr Mahamed on December 23, 2016, 04:49:48 PM
Waxaan rabaa in aan wax ka ogaado hadaan dhuuso anigoo guskeyga kacsan yahy madhubaato ayee keeni kartaa ditoore
Title: Re: Su'aal: Haddaan dhuuso anigoo ii kacsan yahay?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2017, 08:17:05 PM
Maya wax dhibaato ah ma keenayso, way dhacdaa mararka qaar markay xubinta kacsan tahay inay giigsamaan murqaha miskaha iyo maroorka taasoo keeni karto in dhuuso ay kaa fara baxsato, waxaa kaloo kaa farabaxsan kartaa xilliga biyo baxa, tanne waxay ka timaadaa kontaroolka murqaha dabada oo lumo, sidaasne ay dhuuso kaaga timaado.

Waxaa jira dad aaminsan haddii aad dhuustid iyadoo xubintaadu kacsan tahay inay keetno dareen yari iyo kacsi la'aan taasina sax maahan.