Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Cabdi Cali on December 23, 2016, 11:45:32 PM
-
asc doctor ???? ???? ???
aniga waxaan isku arkay indhaha oo fiishka iga soo gala anigoo aan daaf iheynin mar walba waxan gacanteyda ku badantahay indhaheyga si aan u soo bixiyo fiishka . Daqiiqado ka dib waxn dareemaa in uu soo galay hadana waan bixiyaa.
maxaa keeni kara arintaas?
????
-
Fiishka indhaha waxaa loo yaqaanaa "Rheum", waa wax ka samaysan xab ama duuf, siigada indhaha gasho iyo unguyo dhintay, waxaa badanaa la arkaa markii hurdada laga soo kaco, waxayna ku soo aruurtaa isha dhinaceeda.
Markuu qofka soo jeedo badanaa la iskuma arko sababtoo ah isku-qab-qabashada indhaha iyo ilinta ayaa nadiifiyo, laakiin markuu qofka jiifo labadaasba lama sameeyo oo fiish ayaa la isku arkaa markii la soo tooso khaasatan caruurta.
Haddii aad isku aragtid fiish joogto ah, waxaa laga yaabaa in aad leedahay indho-qallayl ama allarjiga indhaha, taasoo keenayso in si dhakhso ah u samaysmaan fiishka.
Haddii aad isku aragtid fiish joogto ah adigoo soo jeedo waa in aad la xiriirtaa dhakhtar indhaha ku takhassusay si laguu eego.