Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Kaltuun on December 24, 2016, 09:49:25 PM

Title: Su'aal: Jirka oo dhan ayaa i xanuunayo?
Post by: Kaltuun on December 24, 2016, 09:49:25 PM
asc walaalaha khyrka badan ee pagekan noogu howlan bacda salaan 
Iam 23years old
dr waxaan ka cabanayaa jir xanuun ah in jirka dhan marba meel wax ciriq u eg igaga dhago specially miskaha adinka midig isna waa igaga dhagaa waxaasi  habeenkii saan uhurdi banku toosaa wax igu dhagan halkaa kala gowska ka hoosaysa  lafaha xanuun ban kadareema waqti qabobe ah ban ku jirna xiligas baa adimadu ixanunan xata kicidu dhib igu tahy salaada markan tukanayo oo  kaleeto  hadase waxaadba mooda jeexa bidix inuu isugu waregay wuxu marbaa ilaa xidid gacanta ah ilaa canqowga laygu dhagaa .
fadlan arintayda ika fiiri dr adoo mahadsan ilaah baa cafimaadka baxsha alxmdulilah
Title: Re: Su'aal: Jirka oo dhan ayaa i xanuunayo?
Post by: SomaliDoc on March 10, 2017, 08:47:07 PM
Allaha ku caafiyo marka hore.

Midda kale sida laguu haayo waxaa keeni karo cudurro kala duwan, waxay noqon kartaa wax lafaha iyo murqaha la xiriiro sida lafo-beelka, roomaatisamka, kaalsiyam yarida / fitamin D yarida, waxay kaloo noqon kartaa xanuunak thryoid-ka dhacsan oo xilliyada qabowga la dareemo, waxay kaloo noqon kartaa xanuun kale oo jirka ku jiro, waxaad u baahan tahay waraysi qoto dheer iyo wiisiteyn kadibne baaris si loo ogaado xanuunka ku haayo fadlan la xiriir dhakhtar.
Title: Re: Su'aal: Jirka oo dhan ayaa i xanuunayo?
Post by: Kaltuun on March 19, 2017, 03:43:19 PM
aad baa umahadsantahy dr