Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sayid Cali Cumar on December 25, 2016, 02:57:25 PM
-
Asc dre alle ajar haka siiyo shaqda fiican ee aaf umada uhaysid .hada kahor mudo sanad laga joogo ayaa xaniinta layga qabtay dactor ayaan u tagay wxuu iiga baadhay ultara sound wuxuu i yidhi waxaa ku haya hydrocele (yacni biyo ayaa kaaga jira) marka waa qaliin ayuu iydhi. Doctor kale ayan u tagay wuxuu iydhi xanuun kaas kuma haye ee waa infection daawo ayuu ii qoray waa ku roonaaday hada ayuu igu so noqday xanuunkii dre xaniintu waa mida midig xanuunku waa ila gumerka ilaa misigta xataa qanjirka lugta waa ila xanunaya markii uu infection jiro ayuu u daran yahay mida kale wax barar ah majiaaan marka dre khayr alle haku siiye talo ayaan kaaga baahanahay iyo sida aan tacaalo xanuunkan wabilahi tawfiq
-
Hydrocele waa biyo ku aruuro xuubka xiniinyaha ku hareeraysan ee qooraha, waxay cilladaan ka timaadaan unugyada xuubka qooraha oo si xad ka bax ah u soo saaro dheecaano keenayo inay meesha ku aruuraan.
Waxyaabaha keeni kara in unugyadaas ay dheecaan siyaado ah soo saaraan waxaa ka mid ah infekshanka, markaasne waxaa loo yaqaanaa "Reactive hydrocele", caabuqa ugu badan oo keenane waxaa loo yaqaanaa "epididymo-orchitis", waxaana badanaa laga dareemaa hal xiniin.
Haddii caabuqaas lagugu arko waa in safiican lagaaga daaweeyo, sababtoo ah daawo walba waxba kama tarto, muddo ku filanne waa in la qaato, laakiin hadii qooruhu biyo galaan ama ku soo laalaabtaan waa in biyaha looga saaraa qalliin.
Fadlan la xiriir dhakhtar "Urologist", isagaa daawo kuu qori doono insha'llah.